Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo kuwaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala duwan. dagaalkan ayaa yimid kadib markii maanta maleeshiyaatka Lafta-gareen ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah magaalada, ayna weeraro ku qaadeen xarumihii iyo xeryihii maamulka Xasan Gurguurte.
Dagaalka oo bilowday aroornimadii hore ee saakey ayaa soo gaaray ilaa salaaddii duhur kadib, waxaana labada dhinac ay isweydaarsanayeen hubka culus iyo rasaasta darandooriga.
Maleeshiyaatka Gurguurte ayaa gelinkii hore looga itaal roonaaday dagaalka waxaana laga qabsaday inta badan xaafadaha magaalada, balse goordambe diyaaradaha dagaalka Turkiga ay kusoo biireen dagaalka, ayey kuwa Lafta Gareen isaga soo baxeen magaalada.
weerarkan ayaa maanta ahaa mid si weyn loo hadal hayo, waxaana labada dhinacba ay ka sheeganayeen guullo. ilo wareedyo laga soo xigtay dhanka Lafta Gareen ayaa sheegayey inay magaalada uga soo baxeen sababo ku aadan in diyaaradaha Turkiga ay beegsadaan shacabka iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalankooda.
Khasaaraha ka dhasahy dagaalka ilaa hadda rasmi ah looma oga laakiin waxaa lasoo warinayaa in labada dhinacba uu gaaray khasare kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkii maanta lagu dilay taliye ku xigeenkii waxa loogu yeero guutada 8aad ee maleeshiyaatka gurguurte iyo saraakiil kale. Ninkaan oo lagu magacaabi jiray Axmad Dheere ayaa kamid ahaa saraakiisha ugu muhiimsan maleeshiyada Gurguurte
Qorshaha ay maleeshiyada Xassan Gurguurte ku qabsadeen Baydhabo ayaa ah mid ay gadaal ka riiseyso dawladda Turkey oo doonaysa inay saldhig weyn ka samaysato garooonka diyaaradaha magaalada, isla markaasna deegaanadaan ku soo ballaariso ololaha boobka khayraadka Soomaaliya ooo ay Turkidu ka wadaan bad iyo barri intaba. Dhawaan ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Turkigu ay magaalada Dooloow duqayn kula beegsadeen sarkaal lagu magacaab Taliye Shub oo muhiim u ahaa maleeshiyada Laftagareen, kaas oo duqaynta ka badbaaday.