Howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiintu gelinkii dambe ee maanta ka fuliyeen gudaha magaalada Buulo-mareer ee ka tirsan wilaayada Sh/hoose, ayaa lala beegsaday goob isbaaro ah oo ay ku sugnaayeen maaleeshiyaad ka tirsan Riddada, waaxaan ku dhintay qaraxaasi 1 askari, waxaana ku dhaawacmay 3 kale.
Murtadka ku dhintay howlgalka qaraxa ah waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Daahir Maxamuud (Madoobe).
Dhanka Baay, Qarax ay Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ayaa lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale.
Dhanka Mandheera ee NFD, ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidanka Kuffaarta Kenya kaga suganyihiin deegaanka Hareeri Zuki ee hoostaga degmada Ceel-qaalow ee ka tirsan gobolka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.