Madaxa kooxda Riddada Soomaaliya ayaa safar kutagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya xilli ay dagaallo ka socdaan gobollo katirsan wadankaas.
Safarka Xasan Gurguurte ayaa la sheegay in uu salka ku hayay bixitaan ay qorshanayaan saraakiisha ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu Abiy Axmed ka codsaday in uu dib udhigo bixitaanka qaar kamid ah ciidamadiisa balse kuma guuleysan.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa qorshaynaysa in kumanaan askari oo ka tirsan ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya, sida maanta oo Arbaca ah ay tebisay warbaahinta Bloomberg ee fadhigeedu yahay carriga Maraykanka.
In ka badan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa la filayaa inay Soomaaliya ka bilaabaan bixitaanka maalmaha ama toddobaadyada soo socda, sida ay sheegeen dad arrintan xog-ogaal u ah oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.
Sida ay sheegtay Bloomberg, afhayeen u hadlay dowladda Xabshida Itoobiya ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday ka-jawaabista su’aalo laga weydiiyay dagaallada iyo qorshaha suurtagalka ah ee ciidammada looga saarayo dalka Soomaaliya.
Ciidamadan Itoobiya doonayso inay ka saarto Soomaaliya ayaa warbaahinta Horn Frequency ay sheegtay in aysan ahayn ciidamada ku jooga magaca AUSSOM, balse ay yihiin ciidamada kale ee Itoobiyaanka ah ee iyaguna qaybta ka ah duullaanka Soomaaliya.
Ilo ku dhow arrintan ayaa Horn Frequency u sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gobollada Baay, Bakool iyo Hiiraan laga saari doono Soomaaliya dhawaan, isla markaana suuragal ay tahay in dib loogu diro gobollada Amxaarada, Tigray iyo Canfarta, halkaas oo xaaladda amni ay sii xumaanayso, iska horimaadyada militaariguna ay sii kordhayaan.
Khubaro militari oo xiriir la leh Ciidanka Itoobiya ayaa Horn Frequency u sheegay in dowladda Itoobiya ay qorshaynayso inay ciidamadan khibradda leh u dirto aagagga waqooyiga Itoobiya ee dagaalladu ka holcayaan, iyadoo filayo in xaaladdu isu beddeli karto dagaallo isugu jira jabhadayn iyo kuwo toos ah, maadaama sida ay khubaradu ka dhawaajiyeen, ciidamadani ay labada noocba u tababaran yihiin.
Saacado kadib markii uu Gurguurte kasoo laabtay Itoobiya ayuu usafray magaalada Jabuuti halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ismaaciil Cumar Geelle wuxuuna kala hadlay baa layiri arrimaha isbedellada ee geeska Afrika kusoo foodleh.
Kooxda Riddada Soomaaliya oo aan laheyn ciidamo tayo leh ayaa ka baqaysa in magaalooyinka ay faarujiyaan ciidamada shisheeye ay lawareegeen mujaahidiinta Al Shabaab.