Wararka ka imaanaya dalka Suudaan, ayaa sheegaya in caasimadda dalkaasi ee Khartum iyo nawaaxigeeda martigeliyeen weeraro loo adeegsaday diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka.
Weeraradan oo ay fuliyeen fallaagada RSF ee Suudaan ayaa afar qof ku dilay gudaha caasimadda Khartuum iyo nawaaxigeeda, waxayna sidoo kale waxyeelleeyeen dhismeyaal kuyaal caasimadda.
Weerarrada ayaa aroornimadii hore ee Axaddii ku dhacay xaafado ay dadku deggan yihiin, xilli difaaca cirka ee Suudaan uu ka jawaabayay diyaarado aan duuliye lahayn oo la sheegay inay beegsanayeen dhismayaal dowladeed iyo garoonka diyaaradaha ee Khartuum.
Weerarradan ayaa dhaliyay walaac hor leh oo ku saabsan khatarta sii kordhaysa ee soo wajahaysa dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka, iyadoo dagaalka Suudaan uu si isa soo taraysa ugu tiirsanaanayo diyaaradaha aan duuliye lahayn.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka AFP dad goob-joogayaal ah ayaa soo sheegay in qaraxyo laga maqlayay guud ahaan caasimadda, ciidanka Sudan ayaana isku dayayay inay soo ridaan diyaaradaha aan duuliye lahayn.
Ilo ka tirsan ciidamada milatariga Suudaan ayaa AFP u sheegay in Drones-kaa weerarka geystay ay kasoo duuelen garoonka diyaaradaha Bahir-dar ee dalka Itoobiya.
Inkastoo aysan Itoobiya ka hadlin eedeyntan cusub, ayay haddana horay u beenisay eedeymaha Suudaan ee ahaa inay oggolaatay in RSF ay weerarro ka qaado gudaha dhulkeeda.
Sidoo kale Suudaan ayaa dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay waxay ugu yeeraan golaha Ammaanka ee ururka Q/Midoobay iyo ururka Midowga Afrika, waxay sheegtay inay cabasho ka tahay weeraro loo adeegsado diyaarado aan duuliye lahayn ah oo laga soo diro gudaha Itoobiya.