Murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida wayn u mucaaradsan kooxda Gurguurte, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada caasimadda Muqdisho kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee waddanka ka jira, boobka ay kooxda Riddadu ku hayso dhulalka danta-guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Muqdisho.
Wuxuu sheegay in dalka ay ka jirto dhaqaale burbur xooggan, oo ay sabab u tahay kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte, wuxuu sheegay in kooxda Riddadu sannadkii hore soo xareysay lacago baad ah oo canshuur ay ku sheegaan oo dhan 480 Milyan oo Dollar.
Lacagahaasi ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur tilmaamay in kooxda Riddadu aysan wax adeeg ah ugu qaban shacabka caasimada, balse ay u isticmaasho dano gaar ah, isaga oo tusaale usoo qaatay hooyo Soomaaliyeed oo dhowaan ku hor umushay mid ka mid ah cisbitaallada ay gacanta ku hayso kooxda uu hoggaamiyo murtad Xassan Gurguurte.
Wuxuu sheegay in kooxda Riddadu ay dhulka gelisay dhaqaalihii waddanka, ganacsatadii Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay waddanka hantidooda kala baxeen markii ay arkeen boobka dhaqaale ee xad-dhaafka ah ee socda.
Si gaar ah wuxuu u xusay in boobka dhulalka danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee kooxda Riddadu ka sameysay Muqdisho uu saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsigii dhulka, suuqaasina uu xirmay sababo ku aaddan in suuqa ay soo galeen dhulal la boobay oo qiimo jaban.
Lacago dhan 4 bilyan oo dollar ayuu sheegay inay ganacsatadu kala baxeen dalka, si ay uga badbaadaan boobka dhaqaale ee socda, waxayna dadkaasi ku maalgashadeen lacagahooda buu yiri waddamo dhaca Africa oo ay ka mid yihiin Kenya, Kongo, South Sudan iyo Zambia.
Nidaamka E-visa ee la jabsaday ayuu sheegay inay ku fashilantay kooxda uu hoggaamiyo Gurguurte, wuxuu tilmaamay in nidaamkan markiisii horeba uu ahaa mid dano dhaqaale laga leeyahay oo loo xiray shirkad madaxtooyadu leedahay oo lagu magacaabo Empire.
Wuxuu tilmaamay in Gurguurte uu u socdo muddo kororsi, wuxuu sheegay in aan laga oggolaan doonin qorshahaasi, nidaamkiisa doorasho ee halka dhinac ah ayuu sidoo kale weeraray, isagoo sheegay in xisbiga Gurguurte samaystay uu isku haysto doorashada gobolka Banaadir, iskaba daa in mid guud la isla gaaro e.