Saraakiisha mucaaradsan maamulka kooxda Riddada Soomaaliya dhowaan ka dhisatay magaalada Baydhaba, ayaa si adag uga hadlay nidaamka doorasho ee Gurguurte ka wado magaaladaasi.
Saraakiishan oo warbaahinta la hadlayay, ayaa waxay sheegeen in aysan aqbali doonin in Xasan Gurguurte uu doorasho isaga u gaar ah ku qabsado magaalada Baydhaba, dagaal na ka xigaan qorshahaasi.
Waxay sheegeen inay billaabi doonaan howlgallo ka dhan ah nidaamka Xasan Sheekh uu ka dhisay Baydhaba iyo doorashada u wato, madaarka Baydhaba ayay sheegeen in uu xiran yahay, waxayna digniin u direen diyaaradaha isku daya inay kasoo degaan garoonka.
Saraakiishan, ayaa sidoo kale fariin adag u diray maleeshiyada Gurguurte keenay magaalada Baydhaba, waxayna sheegeen in hubka ay wataan aysan dib ula laaban doonin oo ay iyaga ka fara maroojin doonaan.
Digniintan kasoo yeertay saraakiisha maamulkii hore ee Baydhaba, ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Riddadu halkaasi ka wado doorasho ay ku sheegtay Qof iyo Cod, oo ah tan uu ka biya diiddanaa Laftagareen.