Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Mugdi Iyo Hubanti La’aan Dul-hoganaysa Jihada Wadahadallada Islamabad.
  • Allposts
  • Warar

Mugdi Iyo Hubanti La’aan Dul-hoganaysa Jihada Wadahadallada Islamabad.

April 21, 2026

Iyadoo ay soo dhowdahay isla markaana hal maalin oo kaliya ay ka harsan tahay dhammaadka muddadii xabbad-joojinta ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka, ayaa waxaa laga dayrinayaa mugdi iyo hubanti la’aan dul-hoganaysa jihada wadahadallada la filayo in ay ka dhacaan caasimadda Islamabad ee waddanka Pakistan.

Waxaa jira shuruudo is-diiddan, xiisad badeed oo sii kordheysa, iyo khilaafyo waaweyn oo weli ka taagan barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Iyadoo dhinaca kalena ay barbar socdaan wadahadallo kale oo uu Trump sidoo kale ku dhawaaqay oo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Yahuudda ee Lubnaan.

Sida uu sheegay ilo-wareed Pakistani ah oo ku lug leh wadahadallada, xabbad-joojinta u dhaxaysa Washington iyo Tehran waxay ku egtahay marka la fiiriyo wakhtiga Iiraan, subaxnimada Khamiista berrito, gaar ahaan salaadda subax ka hor.

Iyadoo Trump uu ku dhawaaqay in wafdigiisu ay bixi doonaan, ayaa ilo-wareedyo la helay waxay xaqiijiyeen in ku xigeenka madaxweynaha Maraykanka oo weftigan hoggaamin lahaa, uu weli ku sugan yahay Maraykanka, isla markaana beeniyeen warar sheegaya inuu u socdo Pakistan.

Warbaahinta Maraykanka ee CNN ayaa ka soo xigatay ilo-wareedyo xog-ogaal ah in Madaxweyne-ku-xigeenku uu Washington ka bixi doono Talaadada isagoo u socda Islamabad, inkastoo CNN ay xustay in xaaladdu weli aanay caga buuran ku taagnayn oo ay isbedbeddelayso.

Iiraan ayaa dhankeeda iyaduna ka fiirsanaysa inay ka qayb-gasho wadahadallada, sida uu sarkaal sare oo Iiraani ah uu Isniintii shalay u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, kadib dadaallo ay Islamabad ku doonayso in lagu joojiyo cunaqabataynta Mareykanka ee dekedaha Iiraan, taas oo ah caqabadda ugu weyn ee Tehran ay ku joojisay inay ka qayb-gasho wadahadalladaasi.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalkaasi wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aan kama dambays ah aan la gaarin, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraaqji, uu sheegay in xad-gudubka uu xabbad-joojinta ku sameeyey Mareykanku ay caqabad weyn ku tahay sii wadista geeddi-socodka diblomaasiyadeed.

Caraaqji ayaa la sheegay in khadka telefoonka uu kula hadlay dhiggiisa waddanka Pakistan, Isxaaq Daar, isagoo u sheegay in Iiraan ay weli go’aan ka gaarin sida ay u sii wadi doonto arrinta, inkasta oo ay tixgelinayso dhammaan dhinacyada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, ahna madaxa wada-hadallada Muxammed Baaqer Qaalibaaf ayaa habeennimadii xalay qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshadda waxa uu sheegay in Iiraan aysan marnaba aqbalayn wadahadal, inta uu sharciga iyo heshiisyada ku tumanayo Donald Trump.

Madaxweynaha Iiraan Mascuud Bazashkiyaan ayaa isna isagoo arrintan ka hadlaya yiri “calaamadaha aan wax dhisin ee iskhilaafsan ee ka imanaya saraakiisha Maraykanka waxay xambaarsan yihiin fariin qaraar, waxayna rabaan in Iiraan ay isdhiibto” isagoo intaa raaciyey in Iiraaniyiintu aanay ku hoggaansamin xoog.

Ilo-wareed amni oo Pakistani ah ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Pakistan Janaraal Caasim Muniir uu si cad ugu sheegay madaxweynaha Maraykanka in go’doominta baddu ay caqabad ku tahay wadahadallada,” isagoo tilmaamay in Trump uu ku jawaabay inuu talooyinkaasi tixgelin doono.

Sarkaal sare oo Iiraani ah ayay Reuters werisay in uu sheegay in Tehran ay si togan u eegayso ka qaybgalka wadahadallada, taas oo ka duwan hadallo hore oo diiddayay ka qaybgalka isla markaana ballanqaadayay aargoosi ka dhan ah gardarrada Mareykanka, isagoo dhinaca kalena ammaanay dedaallada Pakistan.

Lama oga nooca heshiis ee lagu gaari karo maalmahan kooban, balse Trump ayaa saadaaliyay natiijo degdeg ah, isagoo yiri: “Cadaadis iguma saarna haba yaraatee, balse wax walba si dhakhso ah ayay u dhici doonaan.”

Pakistan ayaa isu diyaarisay inay martigeliso wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan, inkastoo aan la hubin inay qabsoomi doonaan. Ku dhowaad 20,000 oo askari oo amni ah ayaa lagu soo warramayaa in la geeyay magaalada Islamabad.

Dhanka kale, Lubnaan waxaa ka jira xabbad-joojin jilicsan oo 10 maalmood ah, Madaxweynaha Lubnaan ayaa magacaabay wafdiga Lubnaan uga qayb-galaya wadahadallada tooska ah ee ay la yeelanayaan Yahuudda, kaas oo ay martigelinayso Washington.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in Washington ay Khamiista sii wadi doonto fududeynta wadahadalladan. Iyadoo dhanka kalena ururka shiiciga ah ee Xisbullah uu ganafka ku dhuftay ka qayb-galka wadahadalladaasi iyo sidoo kale go’aanno la doonayo in hubka looga dhigo.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-11-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-11-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada