Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sare uqaadday dagaalka ay kula jirto ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah ee lashaqeeya.
Tirakoob lasoo saaray ayaa muujinaya xaddiga weerarada Al Shabaab ay ka fulisay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartaha Soomaaliya, muddo 7 maalmood gudahood ah ayay ciidamada XSHM fuliyeen illa 20 weerar oo isugu jiray qaraxyo, dilal qorshaysan , weeraro toos ah iyo howlgallo naf hurnimo oo lala beegsaday ciidamo Jinsiyada kala duwan leh.
Warbixinta oo ku cad infographic ayaa dhimashada ka dhalatay weerarada todobada maalmood dhacay ku sheegtay 218 dhimasho ah iyo dhaawaca 41 askari.