Toogasho laba qofood lagu dilay oo goordhow ka dhacaday carriga Mareykanka [warbixin ]
Laba qof ayaa dhintay, halka mid kale uu ku dhaawacmay kadib toogasho ka dhacday dhisme hoy ah oo ku dhex yaalla jaamacadda gobolka South Carolina, sida ay kuwarameen xubno sar sare oo katirsan jaamacadda
Mas’uuliyiinta jaamacaddu weli ma aysan xaqiijin magacyada dhibbanayaasha ama xaaladda qofka dhaawacmay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Jaamacadda.
Jaamacadda ayaa hakad galisay howlihii wax barasho ee ka socday markii laga war helay toogashada ka dhacday Jaamacadda lamana sheegin waqtiga aysii xirnaan doonto inkastoo waqtiga xiritaanka sii dhaafay muddo afar-saacadood.