Xilli ay kooxda Riddada Soomaaliya iyo qaar kamid ah madaxda maamullada ashahaadda ladirirada ah ee ka jira dalka ay udabaal degeen waxa loogu yeero maalmaha xoriyadda ayay siyiin iyo xildhibaanno sheegeen in dalka aysan ka jirin wax xoriyad ah.
Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee kooxda Riddada ayaa goob fagaare ah ka sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin xoriyad isagoo mugdi geliyay sheegashada Xasan Gurguurte iyo kooxdiisa.
Wuxuu carraabay in xoriyad ku sheeggii gummeystaha caddaanka ah uu siiyay soomaalida 1960-kii wixii ka dambeeyay soomaaliya ay gashay marxalad adag illaa iminkana ay ku jirto.
Daahir Amiin Jeesoow oo ah xildhibaan katirsan golaha dawaaqiidda kooxda Riddada ayaa isna shaaciyay in dalka uusan xor aheyn oo uu weli ajnabi gacanta ku hayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo xataa siyaasadda.
Jeesoow ayaa tusaale usoo qaatay in shisheeye ku sugan xerada Xalane ay awaamirta toos usiiyaan Xasan Gurguurte isagoo tusaale usoo qaatay dhacdooyinkii bishii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.
Sanad walbo marka lagaaro bilaha 6aad iyo todobaad ayay madaxda kooxda Riddada qabtaan munaasabado ay ku sheegeen in ay ugu dabaal degayaan maalmaha xoriyadda iyadoo dalku kuu jiro gummeysi dhan walba ah.