Weeraro lagu laayay ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha ayaa waxay ka dhaceen inta u dhaxaysa deegaannada Golweyn iyo Danow ee wilaayada Sh/hoose, halkaasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan 50 isugu jira askar iyo sarkaal Yugaandhees ah.
Weeraradan oo isugu jiray Afar qarax iyo Seddax kamiin ayay ciidamada Mujaahidiintu la eegteen kolonyo ciidamada kuffaarta Yugaandha oo ku socdaalayay inta udhaxaysa deegaannada Golweyn iyo Danow.
Inta la xaqiijiyay waxaa weeraradan ciidanka Kuffaarta Uganda looga dilay 17 askari oo uu ku jiray sarkaal miina-baare ah, sidoo kalena looga dhaawacay 35 kale oo saliibiyiin Yugaandhees ah, sidoo kale waxay ciidamada Mujaahidiintu weeraradan ku gubeen 4 gaari oo kala ah 2 booyad iyo 2 BMP ah.
Weeraradan sida daran loogu laayay ciidanka Kuffaarta Uganda, ayaa kusoo beegmaya xillo xalay uun la baahiyay sawirrada gaari gaashaaman oo ciidamada kuffaarta Yugaandha looga gubay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Buula-Mareer iyo Golweyn ee wilaayada Shabeellada Hoose.