Safaarad ku sheegta maamulka ashahaada la dirirka ee Somaliland uu ka furtay magaalada barakeysan ee Qudus, ayaa waxaa si wayn kaga yimid Maxamuud Xaashi oo ah guddoomiye Xisbi oo mucaaradsan maamulka murtad Cirro iyo madaxii hore ee maamulkaasi Muuse Biixi.
Maxamuud Xaashi, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay ku shaaciyay in xisbigiisu si buuxda oo aan gambasho lahayn uu uga soo horjeedo safaaradda uu maamulka Cabdiraxmaan Cirro ka furtay magaalada Qudus.
“Waxaanu diidannahay oo uu Xisbigu Kaah kasoo horjeedaa, in xafiiska Somaliland laga furo magaalada barakeysan ee Qudus, si cad oo bareer ah baan uga soo hor-jeednaa”, waxaa sidaas yiri Maxamuud Xaashi oo ah guddoomiyaha xisbiga Kaah ee Somaliland.
Dhanka kale, Muuse Biixi Cabdi, madaxii hore ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, ayaa dhankiisa tilmaamay in kasoo horjeedo aqoonsiga maamulkaas uu ka helay dhanka Yahuudda, wuxuu sheegay in aqoonsi caalami ah uu doonayay balse uu Cabdiraxmaan Cirro ku wargeliyay in aqoonsigu ka yimid meel aan laga filaynin, uuna u baahan yahay in laga fiirsado.
Hadalka uu Cabdirxmaan Cirro la wadaagay ayuu sheegay in la jaray oo aysan soo qaadan madaxtooyada maamulka Cirro.
Maamulka murtad Cabdiraxmaan Cirro, ayaa tan iyo markii uu xarig jaray safaarad ku sheegta uu ka furtay magaalada Al-qudus, la kulmayay cadaadisyo xooggan oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwa maxalli ah, oo lagu diidan yahay heshiiska uu la galay maamulka gumeystaha iyo Safaaradda uu ka furtay Qudus.