Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Turkiga Oo Dardar-geliyey Dhismaha Mashruuc Halis Ah Oo Uu Ka Wado Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Turkiga Oo Dardar-geliyey Dhismaha Mashruuc Halis Ah Oo Uu Ka Wado Soomaaliya.

July 4, 2026

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya mashruuc aan caadi ahayn oo qarsoodiya oo dowladda riddada Turkigu ka waddo gudaha Soomaaliya, kaas oo khatar ku ah amniga, dhaqaalaha, deggaanka iyo bad-qabka ummadda Soomaaliyeed.

Wargeys caalamiya oo kasoo baxa Faransiiska laguna magacaabo Le Monde ayaa sheegay in Turkigu tan iyo 2025-kii, demada Warsheekh ee dalka Somaaliya ka waday dhismaha saldhig dhinaca hawada sare ah, kadib heshiis dhex-maray Rajab Dayin Ordugan iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Saldhiggan oo qiyaastii 70 km u jira caasimadda Muqdisho, ayuu wargeysku sheegay in loogu talo-galay in laga gano dayax-gacmeedyada iyo in lagu tijaabiyo gantaallada ballistic-ga ee riddada dheer ee ay soo saaraan warshadaha difaaca ee dalka Turkiga.

Mashruucan oo lagu qiyaasay $350 milyan oo dollar, ayay Ankara si rasmi ah u shaacisey dabayaaqada sannadkii hore ee 2025. Iyadoo ujeedooyinka ugu waaweyn ee ay ka leedahay lagu sheegay inay hesho aag ay si madax-bannaan uga ganto dayax-gacmeedyadeeda.

Agaasime ka tirsan shirkad qaabilsan dhinaca la-talinta istaraatiijiyadda, kuna taal Turkiga, ayaa mar uu la hadlay wargeyska Le Monde waxa uu yiri “Ankara, tani waxay u tahay kaabayaal istaraatiiji ah oo u oggolaanaya inay si buuxda oo madax-bannaan u gaarto hawada sare isla markaana ay xoojiso kaalinteeda dhaqaalaha caalamiga ah ee hawada sare.”

Wargeysku waxa uu xusay in xaruntani ay Turkiga ka dhigi karto dalka 13-aad ee leh saldhig u gaar ah oo dayax-gacmeedyada laga gano, isla markaana ay ka caawinayso in dalkiisa uu ka fogeeyo khasaaraha ka dhalan kara ganista dayax-gacmeedyada iyo burburka gantaallada riddada dheer.

Sidoo kale ilo ka tirsan dowladda Turkiga oo wargeysku uu soo xigtay ayaa sheegay in saldhiggan ay mustaqbalka adeegsan doonaan dalal kale oo doonaya inay hawada sare u diraan dayax-gacmeedyo, taas oo dhaqaale fara badan ay ka samayn doonto xumuumadda Ankara.

Mashruucan ayay falanqeeyayaashu ku tilmaameen mid xambaarsan khataro waaweyn oo dhan walba ah isla markaana Soomaaliya u beddelaya goob millateri oo bartilmaameed u noqon karta quwadaha caalamka ee xifaaltanku kala dhaxeeyo dowladda Turkiga.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-Muxarram-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -19-01-1448 Hijri.

Related Stories

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.

August 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri

August 22, 2026
Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.

August 22, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada