Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maamulka Deni Oo Digniin Adag U Diray Kooxda Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Deni Oo Digniin Adag U Diray Kooxda Gurguurte.

July 5, 2026

Maamulka ashahaado-la-dirirka Puntland ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed rasmiya oo looga mamnuucayo kooxda Riddada ee uu hoggaamiya Xasan Gurguurte mashruuc ama heshiis kasta oo la xiriira khayraadka badda iyo barriga Puntland.

Warsaxaafadeedka oo ku quran afka qalaad ee Ingiriisiga ayaa lagu sheegay in Puntland ay leedahay awoodda maamulka, ilaalinta, sahaminta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka ku jira dhulkeeda iyo biyaha xeebteeda oo dhererkoodu yahay ku dhowaad 1,600 km.

Waxay caddeysay in shirkad kasta oo shisheeye ama dowlad shisheeye, oo ay ku jirto SOMTURK, aysan wax hawl ah ka fulin karin biyaha Puntland, sida kalluumaysiga, maalgashiga ama ilaalada xeebaha, iyadoo aan oggolaanshiyo ka helin maamulka Garoowe.

Maamulka Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku doodday in hay’adaha kooxda Riddada aysan sharci u lahayn inay bixiyaan heshiisyo ama rukhsado khuseeya dhulka ama badda Puntland, maadaama ayuu yiri, muddo-xileedkoodkoodu uu dhammaaday.

Maamulka Garoowe wuxuu ku saleeyey mowqifkiisa dastuurka kooxda Riddada ee 2012 iyo dastuurka maamulka Riddada Puntland, isagoo sheegay in awoodaha u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada ilaa hadda aan weli si buuxda la iskugu waafaqin loona dhamaystirin.

Bayaanka oo sii socda ayaa sidoo kale lagu xusay, in ilaa inta nidaamka xukuumadda Riddada si buuxda loo dhammaystirayo, uu maamulka Puntland sii wadi doono isticmaalka awoodaha uu siinayo dastuurka gaarka ah ee ay samaysatay.

Maamulkaa Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu ka digay in cid kasta oo ka hawlgasha dhulka ama biyaha hoos yimaada Puntland oo aan fasax ka haysan maamulkooda ay la kulmi doonto tallaabooyin baaritaan iyo fulin sharci.

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayay Puntland ku war-gelisay, in maamulka Deni uusan ogolaan doonin in Turkiga iyo kooxda Riddada ay cag soo dhigaan xeebaha Gacanka-cadmeed iyo badweynta Hindiya ee Puntland.

Bayaankan ayaa imanaya xilli uu sii laba-laxaadsaday khilaafka xooggan ee ka dhex aloosan Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana gudaha Puntland uu ka socdo abaabul ciidan oo ka dambayso kooxda Villa Soomaaliya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-01-1448 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-01-1448-Hijri

Related Stories

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.

August 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri

August 22, 2026
Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.

August 22, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada