Waxaa sii xoogaysanaya xiriirka uu maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland la yeehay maamulka Yahuudda, iyadoo ay soo if-baxayaan ururro isku sidkan oo durtaba dhaqdhaqaaqyo Yahuudiyeyn ah ka bilaabay gobollada waqooqi galbeed Soomaaliya.
Ururka Saaxiibtinimada Sahaayinada iyo Somaliland oo sida idaacadda Andalus ay baaritaan ku ogaatay, si rasmi ah loo daah-furay horraantii sannadkan lagu jiro ee 2026, ayaa saddex laamood ka hir-geliyey magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gebiley.
Ururkan oo magaciisa loo soo gaabiyo ISFA, isla markaana aasaasihiisu yahay Yahuudi lagu magacaabo Tom Wegner, ayaa sida la sheegay, waxyaabaha uu ka shaqayn doono ay ka mid yihiin wax lagu sheegay xoojinta xiriirka bulshada iyo is-dhexgalka diimaha.
Wefti ka socda dhinaca Somaliland oo uu hoggaaminayo Axmed Diiriye, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ururka Saaxiibtinimada Somaliland iyo Sahaayinada ee ISFA, ayaa horraantii bishan gaaray dhulka ay Yahuuddu xoogga ku haysato ee Falastiin.
Guddoomiyaha oo waraysi siiyey wargeyska Yahuudda ee The Jerusalem Post, ayaa sheegay in uu doonayo in ciidamada Yahuuddu ay joogitaan rasmiya ku yeeshaan gudaha Somaliland, si labada maamul isaga kaashadaan ayuu yiri, khataraha ay wadaagaan.
Mar la weydiiyay in maamulka Hargeyas uu diyaar u yahay marti-gelinta ciidamo Sahaayino ah, ayuu Diiriye sheegay in arrintaasi ay soo dhawaynayaan. Isagoo carabaabay in haddii Somaliland ay kaalmo millateri ka hesho Yahuudda ay ka adkaan doonto kooxda Xuutiyiinta.
Diiriye oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashiga milatari ee Somaliland iyo Yahuuddu uu yahay qaybta ugu muhiimsan ee aragtidiisa ku aaddan xiriirka sii kobcaya. Wuxuu sidoo kale Xuutiyiinta ku tilmaamay khatar toos ah oo Somaliland haysata.
“Xuutiyiintu waxay doonayaan inay weeraraan Somaliland, waxayna doonayaan inay weeraraan Yahuudda. Waa inay arrintan si wadajir ah uga hortagaan,” ayuu yiri Axmed Diiriye, oo isaga iyo weftigiisub ay weli joogaan dhulka Sahaayinadu ay xoogga ku haysato.
Waxa kale oo Diiriye uu sheegay in wajiga xiga ee xiriirka ee Somaliland iyo Yahuuddu uu ku dhisnaan karo wax uu ku tilmaamay iskaashi dhinac kasta ah, iyadoo waxyaabaha uu sida gaarka ah carrabka ugu dhuftay uu ka mid yahay iskaashiga dhinaca millateriga.
Sida uu sheegay wargeyska The Jerusalem Post, Din Moriel, oo ka mid ah xubnaha dhinaca Yahuudda ku metela Ururka Saaxiibtinimada Somaliland iyo Sahaayinada, ayaa isna qeexay waxa ay Yahuudda uga dhigan tahay joogitaan millateri oo ay ku yeelato waqooyi galbeed Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland, oo ku dhow Baabul-Mandab iyo xeebaha Yemen, ay faa’iido weyn u tahay Yahuudda haddii halkaas ay ku yeelato joogitaan ama saldhig millateri, isla markaana siin karta ayuu yiri, fursad ay kula dagaallami karto Xuutiyiinta.