Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkan waxaa barnaamijka lagu soo qaatay falanqeyn iyo faaqidaad ku saabsan barnaamijka Andalus Podcast oo laba sano jirsaday, haddaba muxuu xaqiijiyey?, dhageystayaashiisuse dal, iyo dibadba sidee u arkaan Barnaamijkan?.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.