Waxaa soo ifbaxay faahfaahin cusub oo ku saabsan weerarradii Axaddii lagu qaaday laba markab oo Ruushku leeyahay, kuwaas oo ka dhacay xeebaha magaalada Benghaazi ee dalka Liibiya.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Ukraine ay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda hawlgalkan, iyadoo shaacisay in weerarku sababay in la quusiyo markabka dagaalka ee nooca Corvette ah ee Ruushka, laguna magacaabo “Merkury”, halka uu sidoo kale waxyeello ka soo gaartay markabka xamuulka ee “MV Angara”. Dhanka kale, waxaa jira warar kala duwan oo iska soo horjeeda oo ku saabsan qaabkii weerarrada loo fuliyey iyo baaxadda khasaaraha ka dhashay.
Wararka la baahiyey ayaa tilmaamaya in magaalada Benghaazi ay ka dhaceen weerarro dhowr weji ah, kuwaas oo loo adeegsaday doonyo aan cidina saarnayn iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo badda ka hawlgala. Weerarradu waxay beegsadeen markab dagaal oo Ruushku leeyahay iyo markab ganacsi. Dhanka kale, Moscow ayaa ku hanjabtay inay ka jawaabi doonto weerarrada, waxaana saraakiil Ruush ah ay hadalladooda ku soo hadal qaadeen xaalado suuragelin kara in la adeegsado hubka nukliyeerka.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay xeebaha Liibiya ku quusiyeen markabka dagaalka ee Ruushka ee “Merkury”, isaga oo xusay inuu yahay mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu casrisan ee Ruushku leeyahay, isla markaana la hawlgeliyey sannadkii 2023. Waxa uu intaa ku daray in weerarku sidoo kale sababay burburka diyaarad helicopter dagaal oo nooceedu yahay “Ka-27”, taas oo la socotay markabka.
Markabka labaad ee la beegsaday, sida uu sheegay Zelensky, waa markabka xamuulka qalalan ee Ruushka ee “MV Angara”, kaas oo uu sheegay in ciidamada Ruushku u adeegsadaan daabulidda hubka. Waxa uu xaqiijiyey in markabkaasi uu si toos ah weerarku u haleelay.
wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa saraakiil milatari oo Liibiyaan ah ka soo xigatay in weerarku uu khasaare culus gaarsiiyey markabka “Merkury”, isla markaana uu dab ka kacay. Warar kale oo ka soo baxay warbaahinta Liibiya ayaa iyaguna sheegay in markab ganacsi oo sita calanka Malta lagu weeraray meel ka baxsan xeebta deegaanka Al-Sabri ee magaalada Benghaazi.
Waxaa jira warar is khilaafsan oo ku saabsan tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la adeegsaday iyo qaabkii hawlgalka loo fuliyey, hase yeeshee inta badan wararku waxay isku raacsan yihiin in weerarrada loo adeegsaday doonyo ama diyaarado aan duuliye lahayn oo badda ka hawlgala.
Zelensky ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday markabka “Merkury” lagu fuliyey toddoba doonood oo aan cidina saarnayn, kuwaas oo ay Ukraine samaysay. Waxa uu intaa ku daray in hawlgalku guulaystay, inkasta oo ciidamada Ruushku isku dayeen inay ka hortagaan.
wakaaladda Associated Press (AP), oo soo xiganaysa saraakiil milatari oo Liibiyaan ah, ayaa sheegtay in baaritaan hordhac ah uu muujiyey in dhowr doonood oo aan cidina saarnayn, kuwaas oo Ukraine samaysay, loo diray dhanka markabka. Sida warbixintaasi tilmaamayso, ugu yaraan afar ka mid ah doonyahaas ayaa la qabtay ama la burburiyey ka hor intii aanay gaarin bartilmaameedkooda, halka laba doonood ay ku dhaceen markabka dagaalka.
Warbixin kale oo ay wakaaladda Reuters ka soo xigatay laba ilo-wareed oo milatari oo Liibiyaan ah ayaa sheegtay in ciidamada badda iyo cirka ee Liibiya ay fiidnimadii Axadda xeebaha Benghaazi ku qabteen ama ku fashiliyeen in ka badan 20 doonood oo aan cidina saarnayn. Warbixinta Reuters ayaa sidoo kale xustay in doon laga soo buuxiyey walxaha qarxa ay beegsatay markab ganacsi oo marayey meel ka baxsan xeebaha magaalada.