Wareegto shalay kasoo baxday xafiiska R/Wasaaraha kooxda Riddada Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xilka looga qaaday Axmed Macalin Fiqi oo Wasiir ka ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ee kooxda Gurguurte.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Saadaq Cumar Maxamed Xasan oo ku magac-dheer Saadaq Joon, loo magacaabay wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee kooxda Riddada Soomaaliya.
Shaacinta xil-ka-qaadista Fiqi ayaa timid kadib wax ka yar saacad oo meel fagaare ah uu ka muujiyey hadallo laga dheehan karo baahi daran oo dhinaca ciidanka ah oo soo wajahday kooxda Riddada Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Gurguurte.
Sidoo kale xil-ka-xayuubintan ayaa kusoo aadaysa xilli Xasan Sheekh Maxamuud uu safar deg-deg ah ugu baxay dalka Uganda, halkaas oo madaxweynaha waddankaasi Yuweri Museveni ay ka wada-hadleen xaaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya.