Madaxweynaha dowladda Uganda Yuweri Museveni, ayaa war kasoo saaray kulan isaga iyo Xassan Gurguurte ku dhexmaray madaxtooyada dalkaasi ee Entebbe ee Kampala.
Xassan Gurguurte oo wajahaya culaysyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday in uu isku dhiibo Museveni, waxaana kulankaasi loogu sheegay in loo baahan yahay wada-hadal dhab oo laga yeesho doorashda sida laga dheehan karo qoraal uu bartiisa X ku baahiyay madaxweynaha Uganda.
Museveni oo dowladaha reergalbeedka ay u igmadeen in uu cadaadis saaro Xasan Sheekh ayaa kulamadii dhacay si toos ah ugu soo bandhigay Xasan Sheekh qorshayaasha waxa loogu yeero beesha caalamka uga degsan kooxdan haddii ay ka dhega adeygto xal ka gaarista arrimaha khilaafka doorashooyinka.
Nuqul ka mid ah qoraalka Yuweri Museveni uu bartiisa ku faafiyay, ayaa u dhignaa sidan: “Waxaan la wadaagay waayo-aragnimada Uganda ee ku saabsan muhiimadda ay leeyihiin midnimada qaranka iyo wada-hadallada”.
Dhinacyada ayaa kulanka kasoo saaray warsaxaafadeed dhowr iyo toban qodob ka kooban, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xallinta khilaafaadka u dhaxeeya kooxda Riddada iyo siyaasiyiinta mucaaraadka iyo arrimaha amniga.
Kulankan marna laguma soo hadal-qaadin in uu isbeddel ku yimid qorshaha bixitaanka ciidamada Uganda, taasi baddelkeeda wuxuu diiradda saarayay baahida wadahadallada arrimaha doorashada iyo maal-gelin la’aanta uu wajahayo howlgalka kuffaarta Afrikaanta ee Aussom.
Sidoo kale Yuweri Museveni, ayaa bartiisa X ku shaaciyay kulan dhex-maray isaga iyo wafdi ka socday dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayay ku simaha safiirka Washington ee Uganda.
Wuxuu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya iyo amniga, waxaana kulankaasi dibad-joog ka ahaa Gurguurte oo isaga kaliya awaamiirta kulamadan kasoo baxaya la siinayo.
Bayaanka labada dhinac wadajirka u saareen, ayaa lagu caddeeyay in Yuweri Museveni uu tegi doono Muqdisho, una tegi doono xallinta khilaafaadka, balse ilo wareeydo ayaa sheegay inay horreyn doona wafdi, kuwaas oo booqan doono maamul-goboleedyada.
Xuseen Macalin, lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Gurguurte, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X wuxuu quus kaga muujiyay xukuumadda Riddada, taas oo uu sheegay in 15 sano ka dib uu is qabqabsigeeda dib ugu celinayo Kampala, 2027-kana ismariwaageeda siyaasadeed lagu xallianayo Uganda sida dhacday 2011-kii.