Waxa loogu yeero Hay’adda Duulista Rayidka ee kooxda Riddada Soomaaliya ayaa warqad ay soo saartay ku shaacisay in gebi ahaanba uu xiran yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.Ogeysiiska oo wata lambarka A0165/26, ayaa dhigaya in la xiray dhammaan hawlaha duulimaadyada, muddo lix maalmood ah oo kabilaabantay Talaadadii shalay oo taariikhda miilaadigu ahayd 24-ka Nofeembar 2026.
Sida ku cad xogta, xiritaanka garoonka ayaa lagu wargeliyay dhammaan duulimaadyada IFR iyo VFR, waxaana muddada ogeysiiska lagu cayimay inay ku egtahay 1-da Diseembar 2026, iyadoo aan la shaacin sababta albaabada la iskugu dhuftay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee maamulka Ashahaada la dirirka Hirshabeelle oo sidoo kale soo saartay warsaxafadeed ayaa sheegtay in amniga garoonka aan la isku haleyn karin maadaama ayay tiri, hareerihiisa ay weli joogaan maleeshiyaadka deggaanka oo mucaarad ah.
Garoonka ayaa muddo dhowr cisho ah xirnaa kadib markii iska horimaad uu garoonka ku dhaxmaray ciidamada Jabuuti ee AUSSOM iyo maleeshiyadka deegaanka ee kasoo hor-jeedda maamullada ay fadhiyadoodu yihiin Jowhar iyo Muqdisho.