Golaha Wasiirrada kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa yeeshay kulan aan caadi ahayn oo lagu ansixiyey wax ay ku sheegeen hindise-sharciyeed wax ka beddelaya Xeerka Doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada siyaasadda.
Kulanka golaha wasiiradda oo uu shir-guddoominayay R/Wasaaraha kooxda riddada Xamse Cabdi Barre ayaa lagu meelmariyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka iyo habraacyada ay xubnaha dawaaqiiddu ku iman doonaan.
Tallaabadan oo muujinaysa sida Gurguurte iyo kooxdiisu ay weli ugu dheggen yihiin hannaanka dhinaca ka raran ee doorasho-ku-sheegyada riddada ayaa imaanaysa xilli weli uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya daba-dhilifyada Soomaaliya.
Wax-ka-bedelka ay ansixiyeen golaha Wasiirradu ayaa taabanaya 23 qodob oo ka mid ah wax ay ku sheegeen shuruucda doorashooyinka iyo sidoo kale 8 qodob oo kale oo iyaguna ka mid ah shuruucda ururrada iyo xisbiyada siyaasadda.
Isbeddellada lagu sameeyey hannaanka doorashooyinka waxaa ka mid ah in shacabku ay si toos ah u soo dooranayaan xubnaha labada aqal ee goleyaaasha dawaaqiidda Baarlamaanka riddada, halka madaxda kale ee heerarka kala duwan, laga bilaabo guddoomiyeyaasha degmooyinka illaa madaxweynaha Villa Soomaaliya ay dooranayaan labada gole.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale isku raacay in ururrada siyaasaddu ay musharraxiintooda xildhibaannada ku soo gudbiyaan nidaamka loo yaqaan liistada xiran, kaas oo musharraxiinta lagu kala hormariyo liis horay loo sii diyaariyey.
Wax-ka-beddelkan oo sida la sheegay loo gudbin doono golaha baarlamaanka, ayaa sii hurinaya khilaafka daba-dhilifyada, waxaanay falanqeeyayaashu tallaabadan ku tilmaameen mid ka dhan ah dhex-dhexaadintii uu baadariga madaxweynaha ka ah Uganda ka dhex-waday Gurguurte iyo siyaasiyiinta mucaaradka.