Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Kenya Oo Faa’iido Dhaqaale Oo Weyn Ka Heshay Barakicinta Gurguurte Ee Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Kenya Oo Faa’iido Dhaqaale Oo Weyn Ka Heshay Barakicinta Gurguurte Ee Muqdisho.

July 7, 2026

Kenya ayaa si weyn ugu riyaaqsan faa’iidooyin dhaqaale oo baaxadda leh oo uga soo hoyday dhinaca Soomaaliya tan iyo markii Xasan Shaeekh Maxamuud uu majaraha u qabtay maamulka riddada ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Daily Nation oo ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Kenya ayaa shalay baahiyey warbixin uu si weyn ugu lafa-guray sida ay Kenya uga faa’iiday Soomaaliya iyo Soomaalida, gaar ahaan dhowrkii sano ee u dambeeyey oo uu si weyn u koray dhaqaalaha waddankaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee u qaxay waddankaasi ayuu wargeysku sheegay in maalgashigoodu uu si weyn u kobciyey xarumaha ganacsi ee Kenya, iyagoo abuuray ayuu yiri, kumannaan shaqo isla markaana Kenya ku xiray suuqyada waaweyn ee Geeska Afrika, Khaliijka, Shiinaha iyo Turkiga.

Sida uu wargeysku xusay, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa malaayiin doollar ku maalgashaday Kenya, gaar ahaan Nairobi iyo magaalooyinka kale ee waddankaasi, iyagoo abuuray shaqooyin badan oo dhinacyada dhismaha, gaadiidka, iyo tafaariiqda ah.

Daily Nation isagoo sii faahfaahinaya horumarka ay ganacsatada Soomaaliyeed kusoo kordhiyeen dalkaasi ayuu sheegay inay dhiseen xarumo ganacsi, hoteello, suuqyo iyo shirkado, taasoo oo uu xusay inay abuurtay kumannaan shaqo oo ay ka faa’iidaysteen reer Kenya.

Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee Kenya u dhoofiso maandooriyaha qaadka, gaar ahaan nooca waddankaasi kasoo baxa ee loo yaqaan Miirooga. Iyadoo xustay in tan iyo sanadkii 2022, loo dhoofiyay Soomaaliya in ka badan 17 milyan oo kiilo oo qaad ah.

Wargeysku wuxuu sheegay in qaadka muddadaasi loo daad-guraynayay Soomaaliya ay Kenya ka heshay dakhli ka badan 12 bilyan oo Shilling una dhiganta ku dhawaad $ 100 milyan oo dollar, isla markaana taageertay ku dhowaad 1.4 milyan oo qof oo reer Kenya ah.

Waxa kale oo warbitintu tilmaantay in Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee alaabta Kenya loo dhoofiyo. Iyadoo tusaale usoo qaatay kaliya sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 2023, oo ay sheegtay in Kenya ay Soomaaliya u dhoofisay badeecad qiimaheedu gaarayo 16.77 bilyan oo shilinka Kenya ah, una dhiganta ku dhawaad $130 milyan oo dollar.

Xogta uu wargeysku soo bandhigay waxa kale oo ay muujinaysaa in dhoofinta Kenya ee Soomaaliya ayaa korortay 51.4% intii u dhexeysay 2022 iyo 2023, taas oo wargeysku sheegay inay ka dhigayso Soomaaliya dalka 6-aad ee Afrika ugu weyn ee ay Kenya wax u dhoofiso.

Ka sakow ganacsiga, Soomaaliya waxay taageertaa adeegyada maaliyadda, duulista, qaybaha waxbarashada iyo caafimaadka ee waddanka Kenya, sida uu sheegay wargeysku, iyadoo kumanaan arday iyo dad caafimaad u socdaa ay mar walba aadaan Nairobi, taas oo dalkaasi uu ka sameeyo dhaqaale buuran.

Shirkadaha diyaaradaha Kenya ayay warbixintu ka sanqariyey in iyaguna ay dhaqaale weyn ku qabaan safarrada joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale Bangiyada iyo shirkadaha xawaaladaha Kenya ayaa ka macaasha dhaqdhaqaaqa lacageed ee ay sameeyaan dadka Soomaaliyeed.

Warbixintan uu baahiyey wargeyska Daily Nation ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay jiraan tobannaan kun oo xirfadlayaal Kenyan ah, oo ka shaqeeya gudaha waddanka Soomaaliya, kuwaas oo qabta shaqooyin badan oo xirfad iyo aqoonsare-ba ay u leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Iyadoo ay sidaas tahay ayuu wargeysku carab-dhabay, in haddana ay jiraan dhibaatooyin baaxad leh oo isugu jira musuqmaasuq, handadaad iyo xadgudubyo kala duwan oo had iyo jeer ganacsatada Soomaaliyeed ay kala kulmaan saraakiisha dowladda Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, sanadahan dambe ee dhaqaalaha Kenya uu sida weyn u kobcay ayaa ku beegan muddadan uu Gurguurte boobka, burburinta iyo barakicinta ka waday magaalada Muqdisho, taas oo sababtay in ganacsato fara badan oo Soomaaliyeed ay hantidooda ula qaxaan waddamada jaarka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 22-01-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-Muxarram-1448-Hijri.

Related Stories

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerar Kamiin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Teedaan.

August 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-03-1448-Hijri

August 22, 2026
Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka ‘Puntland’ Oo Cambaareeyay Duqaymo Ka Dhacay Gobolka Nugaal.

August 22, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada