Dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa galay maalintiisii 7aad oo xiriir ah iyadoo xaaladda amni ay si weyn uga sii dartay gaar ahaan deegaanka Cafarta kaasi oo ay xoogga saarayaan kooxaha mucaaradka ah.
Iska hor’imaadyada u dhexeeya ciidamada Tigray iyo ciidamada dowladda Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamo ka socda maamullada gobollada ayaa sababay barakac ballaaran.
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in kooxaha mucaaradka ay taqadum ballaaran ka sameynayaan deegaannada Cafarta ayna qarka usaaranyihiin lawareegidda magaalo kale oo muhiim ah.
Hoggaanka ismaamulka Cafara oo qeylladhaan afka furtay ayaa ku caaabaya in ciidamadooda aysan kaligood awood u lahayn inay iska caabiyaan weerarka uga imaanaya jabhadda lamagac baxday Badbaadada ee ay hormuudka uahay kooxda PLF.
Madaxweynaha deegaanka Canfarta, Awal Carbaa ayaa sheegay in dagaalka socda uu ka awood badan yahay awoodda ciidamada deegaanka, isagoo dowladda dhexe ee Itoobiya ugu baaqay in ay ciidamo dheeraad ah u dirto Canfarta si loo joojiyo weerarka baaxadda leh ee ka imaanaya PLF iyo xulufadeeda wuxuu sidoo kale ugu baaqay Midowga Afrika in uu door ka qaato xaaladda sii xumaanaysa ee Itoobiya.
Wararka laga helayo goobaha dagaalka ayaa sheegaya in Ciidamada Difaaca Tigray ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan DF ay la wareegeen magaalada Iribti oo ku taalla gudaha deegaanka Canfarta, meel u dhow xadka ay wadaagaan Canfarta iyo Tigray.
Qabsashada Iribti ayaa timid kaddib dagaallo culus oo dhex maray ciidamada Tigray iyo ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa deegaanka ee taageersan.
Ciidamada Tigray ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay u sii dhaqaaqayaan dhanka Afdera, oo qiyaastii 100 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan Iribti.
Haddii dagaalku sii fido horumarka ciidamada Tigray ee Canfarta wuxuu saameyn ku yeelan karaa waddooyinka muhiimka ah ee isku xira waqooyiga Itoobiya iyo marinbadeedka Jabuuti.
Sidaas si lamid ah ciidamada melleteriga Itoobiya ayaa dhankooda taqadum ka wado aagga magaalada Alamaata oo shalay ay ka fara maroojiyeen ciidamada kooxda PLF, mucaaradka ayaa iyana adkeeyay hareeraynta ay kusoo rogeen magaalada Lalibella ee ismaamulka Amhara.
Marka laqiimeeyo xaaladda dagaal ee Itoobiya ayaa ah in Mucaaradku ay awoodooda isugu geynayaan dhanka gobollada Cafarta iyo Amxaarada halka Abiy Axmed uu doonayo in uu qabsado magaalooyinka gobolka Tigray si uu isugu muujiyo in uu sii jiri karo maamulkii Federaalka ee gobolkaasi muhiimka ah.