Saraakiil iyo khubaro Mareykan ah ayaa afka furtay kana qaylo-dhaamiyey awoodda sii kordhaysa ee Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida uu maanta oo Talaada ah ku warramay wargeyska caalamiga ah ee Financial Times oo fadhigiisu yahay caasimadda Igiriiska ee London.
Afhayeen u hadlay Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, oo wargeysku uu soo xigtay ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay in dhawaan mujaahidiintu isku fidiyaan gobolka oo dhan isla markaana saamayn xooggan ku yeeshaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Saraakiisha amniga maamulka riddada ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sidoo kale wargeysku sheegay, in iyaguna ay sidoo kale walbahaar xooggan ka qabaan koboca awoodeed ee Geesiyada Tawxiidka Bariga Afrika ee Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Financial Times waxa uu soo bandhigay khariidad uu ku muujinayo dhulka baaxadda leh ee ay gacanta ku hayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo sheegay in mujaahidiintu ay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ka hir-geliyeen qiyaastii 40 boqolkiiba dalka Soomaaliya.
Waxa kale oo wargeysku muujiyey magaalooyinka aadka u kooban ee kooxda riddadu ay ku go’doonsan tahay, isagoo dhanka kalena ka sanqariyey in maamulka Muqdisho uu yahay mid aad u jilicsan oo cago buuran aan ku taagnayn, iskana difaaci karin weerarrada Mujaahidiinta.
Walaacan ay kuffaarta caalamku muujinayso ayaa kusoo aadaya xilli uu fashilmay burbur-na qarka u saaran yahay duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya, kadib markii duruufo amni iyo kuwo dhaqaale oo aad u daran ay hareeyeen ciidamada Afrikaanta.