Wararka ka imaanaya waqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Tigreega TPLF ay qaadeen weeraro xoog kugal ah oo ay ku qabsadeen saldhigyo ay ciidamada Federaalka Abiy Axmed ku lahaayeen illaa iyo sedax magaalo.
Xalay saqdii dhexe ayay dagaalyahannada Tigreega dagaal saacado badan qaatay kadib kula wareegeen madaarka caalamiga magaalada Maqalle ee caasimad goboleedka gobolka Tigray.
Sidoo kale weeraro ka dhacay magaalooyinka Shire iyo Aksom ayaa sababay in ciidamada Federaaliga laga qabsado dhammaan saldhigyadii ay ku sugnaayeen.
Wakaaladaha wararka ayaa soo tebiyay in weeraradan isku xiran ay yihiin tallaabadii ugu horraysay ee laqaaday maalmo kadib markii ay mucaaradku sameysteen isbahaysi ballaaran kaasi oo loogu magac daray “Jabhadda Badbaadada”..
illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Xabashida Itoobiya oo ku saabsan guuldarrooyinka ciidankeeda lagu gaarsiiyay magaalooyinka muhiimka ah ee dhaca waqooyiga wadanka.