Weerar si aad ah loosoo qorsheeyay ayaa xalay ka dhacay mid kamida magaalooyinka gobolka Gedo ee kujira gacanta ciidamada Itoobiya.
Wraarka ka imaanaya Baardheere ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xalay saqdii dhexe udhaceen guri kuyaal bartamaha magaaladaas oo ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil katirsan ciidamada DF-ka ee daacadda u ah saraakiisha Itoobiya.
Weerarka ayaa lagu qabtay laba askari kuwaasi oo si aad ah ay u doon doonayeen ciidamada wilaayada Islaamiga Gedo sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Jihaadiyiinta.
“Howlgal fariid ah ayay mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Baardheere ee wilaayada Gedo waxay guryahooda kala baxeen labo askari oo ka tirsan Murtadiinta kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Cabdi daahir iyo Qalinlle waxeyna ugu dambeyntii ku dileen duleedka Baardheere” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus.
Shacabka magaalada Baardheere ayaa saaka markii uu waagu baryay si aad ah uhadal hayay weerarkii xalay magaaladooda ka dhacay ee lagula baxay askarta dowladda kadibna lagu dilay.