Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Al-Shabaab: Cidna Xaq Uma Lahan Inay Xaraashto Dhulka Umadda Soomaaliyeed [Akhriso War Saxaafadeed].
  • Allposts
  • Warar

Al-Shabaab: Cidna Xaq Uma Lahan Inay Xaraashto Dhulka Umadda Soomaaliyeed [Akhriso War Saxaafadeed].

February 22, 2024

War Saxaafadeed ku qornaa luuqadda English ka oo nuqul ka mid ah loo qeybiyey warbaahinta ayey Al-Shabaab si cad uga soo horjeedsatay heshiiskii dhexmaray dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ee shaley uu iclaamiyey Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dambiyadii ugu dambeeyey ee xukuumada Xasan Sheekh Maxamuud ka gashay muslimiinta Soomaaliya iyo madaxbanaanidooda waxaa kamid ah inay markale xaraashtay siyaayadadii wadanka iyo kheyraadkii Umadda kadib heshiis sharci daro ah oo ay la gashay dowlada ridada ah ee Turkiga.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu la mid yahay isla midkii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ee xabashida lagu siiyey qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya.

“Isfaham kan xaaraanta ah ee dhigaya in dowladda Turkiga ay si toos ah ula wareegto maamulka dakhliga iyo soohdimaha badda Soomaaliya, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka aaminsan tahay heshiis baadhil ah oo la mid ah -haddiiba uusan ka halis badneen- is-afgaradkii khiyaanada ahaa ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Abiy Axmad.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu qeyb ka yahay damacyada ku beeran xukuumada Ankara ee ku salleysan boobka kheyraadka wadanka.

“Marka meel la iska dhigo hal-kudhegyada beenta ah iyo hadalada afka baarkii ah ee uu ku hadaaqayo Xasan Sheekh Maxamuud, heshiiskan dhexmaray dowladaha ridada ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, ma ahan mid ku salleysan hormarin dhaqaale, iyo difaac qaranimo midna, balse taasi badalkeed, waa muuqaal kale oo soo bandhigaya hanqaltaaga Turkiga ee qabsashada mandiqadda.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka

War Saxaafadeedka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Mudd ka badan 10 sano, Wuxuu Turkiga Soomaaliya ka dhigtay dhul uu uga faa’ideysto danihiisa siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee uu ka leeyahay gobolka, isagoo dhulka la galay dhaqaalihii wadanka, kala dhantaalay dhaqaalihii wadanka, sidoo kalena qalqal geliyey amnigii iyo badqabkii bulshada Soomaaliyeed. Diyaaradaheeda drones ka ayey ku gumaaday maatida Soomaaliyeed ee muslimka ah, halka faragelinteeda dhaqaalena uu sicir barar ka abuuray dalka, fahmajab iyo rajo beelna ku beeray xoogsatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.”

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ogol yahay in la boobo kheyraadka dalka marba haddii isaga uu yahay ninka loo soo marayo dhabaha lagu bililiqeysanayo hantida Umadda. “Heshiiskan wuxuu sidoo kale banaanka soo dhigay laba codleynta iyo munaafaqnimada Xasan Sheekh Maxamuud, iyo in uusan wax dan iyo muraad ah ka lahayn boobka iyo bililiqada lagu hayo dalka iyo kheyraadkiisa, marba haddii uu isagu yahay dullaalka la soo marayo.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Markale waxaa bayaanka lagu yiri: “Heshiiskan wuxuu sidoo kale soo bandhigayaa taya-xumada, taagdaradii iyo sarriig la’aanta waxa loogu yeero dowladda Soomaaliya, taas oo si cad u qiratay in aysan dalka ka difaaci karin cadaawaha shisheeye, wadiiqada kaliya ee lagu difaaci karo dalka iyo kheyraadkiisuna ay tahay inay magangalaan dowlado kale taas oo macnaheedu yahay in loo noqdo wixii la oran jiray Maxmiyada.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii waxaa bayaanka lagu yiri: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay markale cadeyneysaa in ay diiday heshiiska baadhilka ah ee ay kala saxiixdeen dowladaha ridada ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, ayna markale ku celineyso in cidna aysan xaq u lahayn in xaraashto dhulka Umadda Soomaaliyeed iyo hantida uu Allaah ugu deeqay. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa -dal iyo dibad meeshii ay joogaanba- inay kasoo horjeestaan is-afgaradkan sharci darada ah si la mid ah sidii ay uga dhiidhiyeen heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -12-08-1445-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-08-1445 Hijri.

Related Stories

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.

April 22, 2026
Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada