Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Laga Masaafuriyay Jabuuti.
  • Allposts
  • Warar

Xubin Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Laga Masaafuriyay Jabuuti.

April 29, 2024

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda Ingiriiska, ayaa shaaciyay in lagu xiray garoonka caalamiga ah ee magaalada Jabuuti, ka dibna laga masaafuiray guud ahaan dalkaasi, sababo la xiriirta in uu dhaleecayn u jeediyay dowladda Shiinaha.

Tim Loughton, oo soo noqday wasiir hore ayaa ka mid ahaa 7 xubnood oo ay horay cunaqabatayn ugu soo rogtay dowladda Shiinaha, waraysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in Jabuuti ay muddo saacado ah u xirtay, sidoo kalena u tarxiishay xiriirka dhow ee kala dhaxeeya Biijiin.

Tim Loughton, oo hadda xubin ka ah Konserfatifka ee haya talada dalka, ayaa sheegay in in ka badan 7 saacadood oo xiriir ah lagu xiray garoonka caalamiga ah ee magaalada Jabuuti billowgii Aprill, lagana mamnuucay in uu gudaha usii galo Jabuuti.

Loughton, ayaa sheegay in Jabuuti ku yimid 8-dii bishan Abriil booqasho uu qorsheeyay inay qaadato muddo 24 saac ah, isagoo ujeedkiisu ahaa in uu la kulmo safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Jabuuti.

Waraysi uu siiyay wargeyska Daily Telegraph, ayuu ku sheegay in uu aaminsan yahay in cabsigelinta, xarigga iyo ceyrinta uu kala kulmay Jabuuti ay tahay mid ulakac ah oo ka dhalatay dhaleeceyntii uu u jeediyay dowladda Shiinaha, waa sida uu hadalka u dhigaye, taasina ay tahay caga-juglayntii ugu dambeysay oo ay muddo saddex sano ah la kulmaan 7-da xildhibaan ee ay cunaqabataynta kusoo rogtay dowladda Shiinaha.

Xildhibaanka la cayriyay ayaa sheegay in uu dhacdadaasi la wadaagay Andrew Mitchell, oo ah ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska, safiirka u fadhiya dalkaasi ayuu sidoo kale sheegay in la gaarsiiyay warqad uu ku muujinayo hab-dhaqanka foosha xun ee uu kala kulmay Jabuuri.

Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Jabuuti ayaa dhankiisa sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn isagoo ku tilmaamay eedda xildhibaankaasi Biritish-ka ah hadallo la sameeyay oo aflagaado ah oo la isku dayay in lagu sumcad dilo Shiinaha laguna xumeeyo xiriirka Shiinaha iyo Ingiriiska.

Shiinaha ayaa 2021-kii cunaqabatayn ku soo rogay todobo xildhibaan oo uu ku jiro Tim Loughton, sababo ku aaddan waxa ay ugu yeertay faafinta xogo been ah oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Xinjiang.

Dowladda Jabuuti waxay dhiggeeda Shiinaha ka heshay balaayiin doolar oo maalgashi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin in loo dhisay garoon cusub, isbitaal, deked, goob ganacsi oo ku habboon wax soo saarka iyo xarumo bakhaar ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -20-10-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-10-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.

June 12, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.

June 12, 2026
Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.

June 12, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada