Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Fano Oo Boqollaal Askari Ku Dishay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Fano Oo Boqollaal Askari Ku Dishay Dagaallo Ka Dhacay Amhara.

July 28, 2024

Jabhadda Axmaarada u dhadhaqaaqda ee Fano ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ay kula jirto ciidanka millatariga ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed, kuwaas oo ku duulay gobolka Amhara ee dhaca waqooyiga Itoobiya.

Fano waxay sheegtay in ugu yaraan 500 oo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda xabashida ay ku dileen dagaallada maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Aagga Gojjam ee ismaamulka Axmaarada.

Asres Mare oo ah gudoomiye ku xigeenka iyo madaxa qaybta siyaasada ee gobolka Gojjam ee jabhadda Fano ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta Itoobiya ee Ethiopian Media Services ku xaqiijiyay in boqollaal askari ay ku dileen dagaallada dhowrkii maalmood ee u dambeeyay, halka sidoo kalena ay dagaalladaasi ku qabteen 27 oo ah askar ciidan oo millatariga ka tirsan.

Hub iyo saanado millatari oo xoogan ayuu sheegay masuulkan ka tirsan jabhadda Fano inay ku qabsadeen dagaalladii tooska ah ee todoobaakan ay la galeen ciidanka millatariga ee Abiy usoo diray gobolka.

Ciidanka millatariga Itoobiya waxay dhankooda sheegeen in 31 ka tirsan maleeshiyaadka Fano inay ku dileen dagaallada ka socda Gojjam, basle masuulka u hadlay Fano ayaa sheegashadaasi beeniyay.

Warbaahinta maxalliga Itoobiya, waxay sheegtay in dhowr aag oo kale la isku fara saaray toddobaadka, waxaana ka mid ah goobahaasi Gonder iyo Wollo, halkaas oo todobaadkan dagaalo xoogani ka dhaceen.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in khasaare xooggan la gaarsiiyay ciidamada federaaliga ee la geeyay aagga Gonder, tobaneeyo askar ah oo dagaalka in lagu qabtay la sheegay ayay muuqaalladoodu faafiyeen mucaaradka Abiy Axmed.

Dagaalladan ka dhacay Gojjam, Gonder iyo qaybo ka mid ah Wallo, ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadka ay dawladda xabashida ciidamo aad u badan geysay aagga Goojam ee dhaca gobolka Axmaarada, kuwaas oo loogu talagalay inay qayb ka noqdaan qorshaha Abiy ee ah in uu meesha ka saaro jabhadda Fano, taasi oo toddobaadkan dagaallo uu dhiig badan ku daatay kusoo dhaweysay ciidanka ka yimid dhanka Addis-ababa.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -22-01-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -23-01-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-08-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-08-1447-Hijri

January 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -03-08-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -03-08-1447 Hijri.

January 22, 2026
Saraakil Kenyan Ah Oo Lagu Dhaawacay Ismaamulka Pokot.
  • Allposts
  • Warar

Saraakil Kenyan Ah Oo Lagu Dhaawacay Ismaamulka Pokot.

January 22, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada