Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Nairobi Oo Shaqo Joojin Sameeyay.
  • Allposts
  • Warar

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Nairobi Oo Shaqo Joojin Sameeyay.

September 11, 2024

Shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa maanta sameeyay shaqo joojin rasmi ah, taasi oo si wayn looga dareemayo guud ahaan waddankaasi.

Kenya Airways ayaa maanta shaacisay in shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyata, ay sababtay dib u dhac wayn oo ku yimid duulimaadyada iyo in la baajiyo rakaabka ka dhoofaya waddankaasi iyo kuwa kasoo degaya.

Muuqaallo lagu baahiyay barta X ayaa muujinayay boqollaal rakaab ah oo safaf ugu jira terminalka garoonka caalamiga ah, kaddib markii shaqo joojintu dhaqan gashay saqdii dhexe ee xalay.

Tobannaan ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa saaka isku soo bax sameeyay, si ay uga dhiidhiyaan heshiiska dowladda, waxayna ku dhawaaqayeen “Adani waa in uu baxaa”, waxaa nuqulka muuqaalkan baahiyay teleefishanka maxaliga ah ee lagu magacaabo Citizen.

Ciidamo boolis ayaa la arkayay iyaga oo isku dayaya inay is taag ku sameeyaan shaqaalaha dibadbaxa dhigaya, waxaana lasoo wariyay in ciidamada booliska ay xireen qaar ka mid ah shaqaalaha ka howlgala garoonka diyaaradaha ee caasimadda Kenya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii shaqaalaha madaarka caalamiga ah ee Nayroobi ay ka biya diideen heshiis ay dowlada ku eedeeyeen oo garoonka loogu wareejinayo shirkad lagu magacaabo (Indian Adani Airport Holdings), oo ah shirkad gaar ah oo laga leeyahay waddanka Hindiya.

Shaqaalaha garoonka ayaa ka carooday qorshaha dowladda Kenya ay ku doonayso inay ku wareejiso maamulka garoonka diyaaradaha ugu weyn dalka Kenya ee Jomo Kenyatta, qorshaha xukuumada uu madaxa ka yahay Ruto ayaa lagu sheegay in uu yahay in shirkadda Hindiya laga leeyahay garoonka laga kireeyo muddo 30 sano ah, iyaga oo ku andacoonaya inay ballaariso oo ay horumariso, balse go’aanka dowlada William Tuto ayaa la kulmaya diidmo xoogan iyo in dhaqdhaqaaqyadii duulimaad uu maanta si rasmi ah u joogsado.

Shaqaalaha ka howlgala garoonka ayaa sheegay in heshiiskaasi oo lagu dhawaaqay bishii July uu horseedi doono shaqo la’aan soo wajahdo shaqaalaha Kenyaanka ah iyo in madaarka laga howlgaliyo oo la keeno shaqaale aan Kenyan ahayn.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa Isniintii lasoo dhaafay si ku meel gaar ah u hor istaagtay soo jeedinta dowladda ee ah in shirkadda Adani ee laga leeyahay Hindiya muddo 30 sano ah lagu wareejiyo maamulka garoonka caalamiga ah ee Jooma Kenyaatta.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Axmed Karaash Oo Ka Hor-yimid Heshiis Kooxda Gurguurte Ku Xaraashatay Shidaalka.
Next: 11 kii September: Maxay Muslimiintu Naceyb Ugu Qabaan Mareykanka? Filo Filim Dokumentari Ah.

Related Stories

Sarkaal Iyo Askar Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Afmadoow.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Iyo Askar Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Afmadoow.

June 16, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 01-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 01-01-1448-Hijri.

June 16, 2026
Deni Oo Sheegay In Gurguurte Uu Faragelin Ku Hayo Deegaannada Maamulkiisa.
  • Allposts
  • Warar

Deni Oo Sheegay In Gurguurte Uu Faragelin Ku Hayo Deegaannada Maamulkiisa.

June 16, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada