Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Midowga Yurub Oo Sheegay In Uusan Sii Wedi Karin Maalgelinta Duullaanka Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Midowga Yurub Oo Sheegay In Uusan Sii Wedi Karin Maalgelinta Duullaanka Somalia.

November 20, 2024

Kufriga caalamiga ah ee duullaanka saliibiga ah kusoo qaaday dalka soomaaliya ayaa wajahaya marxalad aad u adag oo dhan walba ah kadib 18 sanadood oo ay dalkan ka hurinayeen dagaal ka dhan ah islaamka iyo ehelkiisa.

Ururka midowga Yurub oo ku dhowaad labaatan sano kaligiis ku ahaa maalgelinta ciidamada kufaarta afrikaanta ayaa hadda gacanta ka taagay sii wedidda maalgelintan sababa laxiriira jeebabkooda oo sii faaruqaya in natiijo lagu qanci karo oo ay soo hoyn waayeen ciidamada calooshood ushaqeystayaasha afrikaanta ah.

Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ururka Midowga Yurub oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka dardaar weriyay mustaqbalka ciidamada afrikaanta ee ku sugan soomaaliya wuxuu sheegay in illaa iyo hadda aan aragti midaysan laga laheyn sida uu noqonayo howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dowladaha ka qeyb qaadanayo.

Wuxuu carrabaabay in midowga Yurub iyo xulufadiisa aysan heyn dhaqaalihii lagusii wadi lahaa duullaanka afrikaanta ee dalka soomaaliya.

Isagoo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan geeska afrika iyo halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah mujaahidiinta alshabaab ayuu sheegay in aysan iyaga umuuqan guulweyn oo ciidamada afrikaanta ah ay ka keeneen soomaaliya islamarkaana ay muddo dheer kali ku ahaayeen bixinta mushaaraadka ku baxa ciidamada afrikaanta.

Midowga Yurub oo hadda umuuqda mid daalay islamarkaana lakulmay fuuq bax maaliyadeed ayaa ku baaqay in culeyska lala qeybsado wuxuuna usoo jeediyay waxa loogu yeero Q.Midoobay iyo Midowga Afrika in ay bixiyaan qeyb kamid ah qarashka ku baxaya calooshood ushaqeystayaasha ku sugan soomaaliya arrinkaas oo udhigma in uu leeyahay “howlku masii jirayo haddii aan dhibka lawad qeybsanayn”.

Qeylla dhaanta ka timid midowga Yurub ayaa imaanaysa xilli reergalbeedku ay fuuq bax dhaqaale ku wajahayaan dagaallada ka socda Yukreyn iyo magaalada qaza ee dhulka Falasdiin iyagoo bil walba balaayiin dollar siiya xukuumadaha Yahuudda iyo Yukreyn.

Cabsida ugu daran ee hadda haysata dowladaha reer Yurub iyo kuwa afrika ayaa ah in Trump uu jari doono dhaqaalihii faraha badnaa ee Mareykanku ku bixin jiray dalalka dibadda.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -18-05-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-05-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri

January 18, 2026
Dhagayso Sh Kabakutukade Oo Ka Hadlay Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Saldhigyada Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Sh Kabakutukade Oo Ka Hadlay Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Saldhigyada Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada