Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Abiy Axmed Oo U Goodiyay Jabhadaha Hubeysan Ee Mucaaradka Ah.
  • Allposts
  • Warar

Abiy Axmed Oo U Goodiyay Jabhadaha Hubeysan Ee Mucaaradka Ah.

December 2, 2024

Ra’iisul wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed ayaa khudbad uu ka jeediyay kulan ay xisbiga talada haya ee dalkaas ku lahaayeen magaalada Addis ababa uga hadlay colaadaha muddada dheer ka socda dalkiisa, isaga oo sheegay in “xoogagga fallaagadu aysan awoodin inay guul ka gaaraan dagaalka, xataa haddii ay dagaallamaan 1,000 sano.”

Khudbadda uu Abiy Axmed kulankaas ka jeediyay oo muuqatay mid uu quus ka muujinayo in dagaalada ba’an ee dalkaas ka socda ay soo afjarmaan muddo dhow ayaa sidoo kale hanjabaad hawada u mariyay kooxaha falagada ah ee dowladdiisa dagaalka kula jira.

kulankan oo lagu qabtay hoolka Adwa ee magaalada Addis Ababa ayaa qayb ka ahaa xafladda sanadguuradii 5-aad markii Xisbiga talada haya ee Itoobiya, ee loo yaqaan (Prosperity Party), la aas aasay, iyadoo sida warbaahinta dalkaas ay sheegtay looga hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee dalkaas.

Kulankan ayaa imaanaya laba sano ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii ay dowladda Abiy la gashey Jabhadda Tigreega (TPLF) —dagaalkaas oo lagu qiyaasay in hal milyan oo qof lagu dilay —xukuumadda Abiy ayaa hadda wajahaysa dagaal kale oo ka socda gobolka Amxaarada. Dagaalkaas ayay xukuumadda Addis-ababa ku sheegtay inuu yahay mid “hub-ka-dhigis ku sameeyneyo Fano oo ah jabhadda hubeysna ee Axmaarada.

Dagaalka Ka socda gobolka amxaarada ee u dhaxeeya mamulka Abiy iyo kooxaha amxaarada hubeysan ayaa xoogeeystay markii dowladda xabashida ay bishii Agoosto 2023 ku dhawaaqday in xaalad degdeg ay galisay gobolka Amxaarada, waxayna markaas sheegtay howlgalka ay ka wado gobolkaas la dhammayn doono “todobaadyo gudahood.” Si kastaba ha ahaatee, in ka badan hal sano kadib, dagaalka ayaa weli socda, iyada oo ay boqolaal qof oo rayid ah ku dhinteen kuwa badana ka barakaceen degaanadoodii.

Dhinaca kale, Dagaalka dowlada abiy kula jirto kooxaha oromoda ee ka socda gobolka Oromiya oo bilaawday 5 sano ka hor ayaa ah mid wali socda, iyada oo dad badan ku dhinteen in badana barakac noqdeen.

Ciidamada dowladda saliibiga Itoobiya ayaa lagu sheegay inay ku waayeen dagaalada sanadadan ka socday gobollada Amxaarada iyo Oromada tobannaan kun oo askari, sida ay sheegeen warbaahinta ku hadasha afka Amxaarada.

Dalka Itoobiya ayaa sidoo kale wajahaya caqabado aad u daran oo dhinaca dhaqaalaha iyo sidoo kale caafimaadka, Faqriga iyo cudurrada ayaa si xowli ah ugu sii fidaya gobollada uu dagaalku ka socda iyadoo warbixin ay dhawaan soo saartay waxa loogu yeero hay’ada cafimaadka aduunka lagu sheegay in dalka itoobiya sanadkan gudahiisa 7.3 milyan oo qof laga helay xalad adag oo cudurka malariyada ah iyadoo ay cudurkaas u dhinteen 1,157 qof.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -30-05-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-05-1446 Hijri.

Related Stories

Sarkaal Iyo Askar Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Afmadoow.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Iyo Askar Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Weerar Ka Dhacay Duleedka Afmadoow.

June 16, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 01-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 01-01-1448-Hijri.

June 16, 2026
Deni Oo Sheegay In Gurguurte Uu Faragelin Ku Hayo Deegaannada Maamulkiisa.
  • Allposts
  • Warar

Deni Oo Sheegay In Gurguurte Uu Faragelin Ku Hayo Deegaannada Maamulkiisa.

June 16, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada