Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • 37 Sarkaal Oo Maamulka Abiy Looga Dilay Ismaamulka Amhara.
  • Allposts
  • Warar

37 Sarkaal Oo Maamulka Abiy Looga Dilay Ismaamulka Amhara.

December 9, 2024

Wararka ka imaanaya ismaamulka Amhara ee dhaca dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 37 sarkaal oo heer degmo, oo taabacsan dowladda xabashida Itoobiya.

Warbixin ay daabacday warbaahinta afka Axmaariga wax ku qorta ayaa lagu xaqiijiyay dilka saraakiishan dowladeed ee ka tirsan maamulka Abiy Axmed, waxaana dilalku ka dhaceen deegaan ka tirsan Gojjam.

Ka hor inta aan saraakiishan la toogan ayaa lasoo wariyay in Feresbet oo ka mid ah magaalooyinka Goojam ee ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidamada Fano iyo kuwa millatariga ee dowlada, diyaarado dagaal oo Itoobiya leedahay ayaa qayb ka ahaa dagaallada sida ay soo sheegeen ilo wareedyo maxalli ah.

Kaddib dagaallo culus oo magaaladaas ka dhacay ayaa keenay in ciidanka Fano ay gabi ahaanba isaga baxaan magaaladaasi Jimcihii lasoo dhaafay, sida lagu xaqiijiyay warbixinta la daabacay.

Fano waxay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 100 ka mid ah saraakiisha dowladeed ee aaggaasi u qaabilsanaa maamulka Abiy Axmed, dad goob joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in 37 ka mid ah saraakiisha u xirnaa Fano la dilay.

Goobjoogeyaashu waxay sidoo kale soo sheegeen in saraakiisha maamul meydadkooda lagu wareejiyay ehelladooda, kadibna aas loogu sameeyay kaniisado dhowr ah oo kuyaal ismaamulka Amhara.

Maamulka Amhara ugu magacaaban dowladda xabashida Itoobiya ayaa dilka saraakiishaasi ku eedeeyay Fano, bayaan uu soo saaray, Desalegne Tassew, oo ah madaxa xafiiska nabada iyo amniga gobolka Axmaarada, ayaa lagu sheegay in maleeshiyada Fano ay dileen 37 ka mid ah 97 qof oo ay gacanta ku dhigeen, bayaanka kasoo baxay maamulka Abiy ugu magacaaban ismaamulka Amhara laguma caddayn in la lasii daayay shakhsiyaadka soo haray iyo in kale.

Jabhadda Fano ayaan dhankeeda weli ka jawaabin eedeynta kaga timid xukuumadda Addis-ababa, balse dadka u ololeeya Faano waxay qabaan suuragalnimada in dilalkaasi ay fulisay dowladda iyada oo diiddan in ay u goostaan dhanka jabhadda mucaaradka ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-06-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-06-1446-Hijri.

Related Stories

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.
  • Allposts
  • Warar

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.

July 28, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.

July 28, 2026
Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.

July 28, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada