Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • 37 Sarkaal Oo Maamulka Abiy Looga Dilay Ismaamulka Amhara.
  • Allposts
  • Warar

37 Sarkaal Oo Maamulka Abiy Looga Dilay Ismaamulka Amhara.

December 9, 2024

Wararka ka imaanaya ismaamulka Amhara ee dhaca dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 37 sarkaal oo heer degmo, oo taabacsan dowladda xabashida Itoobiya.

Warbixin ay daabacday warbaahinta afka Axmaariga wax ku qorta ayaa lagu xaqiijiyay dilka saraakiishan dowladeed ee ka tirsan maamulka Abiy Axmed, waxaana dilalku ka dhaceen deegaan ka tirsan Gojjam.

Ka hor inta aan saraakiishan la toogan ayaa lasoo wariyay in Feresbet oo ka mid ah magaalooyinka Goojam ee ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidamada Fano iyo kuwa millatariga ee dowlada, diyaarado dagaal oo Itoobiya leedahay ayaa qayb ka ahaa dagaallada sida ay soo sheegeen ilo wareedyo maxalli ah.

Kaddib dagaallo culus oo magaaladaas ka dhacay ayaa keenay in ciidanka Fano ay gabi ahaanba isaga baxaan magaaladaasi Jimcihii lasoo dhaafay, sida lagu xaqiijiyay warbixinta la daabacay.

Fano waxay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 100 ka mid ah saraakiisha dowladeed ee aaggaasi u qaabilsanaa maamulka Abiy Axmed, dad goob joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in 37 ka mid ah saraakiisha u xirnaa Fano la dilay.

Goobjoogeyaashu waxay sidoo kale soo sheegeen in saraakiisha maamul meydadkooda lagu wareejiyay ehelladooda, kadibna aas loogu sameeyay kaniisado dhowr ah oo kuyaal ismaamulka Amhara.

Maamulka Amhara ugu magacaaban dowladda xabashida Itoobiya ayaa dilka saraakiishaasi ku eedeeyay Fano, bayaan uu soo saaray, Desalegne Tassew, oo ah madaxa xafiiska nabada iyo amniga gobolka Axmaarada, ayaa lagu sheegay in maleeshiyada Fano ay dileen 37 ka mid ah 97 qof oo ay gacanta ku dhigeen, bayaanka kasoo baxay maamulka Abiy ugu magacaaban ismaamulka Amhara laguma caddayn in la lasii daayay shakhsiyaadka soo haray iyo in kale.

Jabhadda Fano ayaan dhankeeda weli ka jawaabin eedeynta kaga timid xukuumadda Addis-ababa, balse dadka u ololeeya Faano waxay qabaan suuragalnimada in dilalkaasi ay fulisay dowladda iyada oo diiddan in ay u goostaan dhanka jabhadda mucaaradka ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-06-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-06-1446-Hijri.

Related Stories

Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka ‘Puntland’ Oo Sheegay In Uu Iska Casilay Xubbimimada Golahaasi.
  • Allposts
  • Warar

Guddoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka ‘Puntland’ Oo Sheegay In Uu Iska Casilay Xubbimimada Golahaasi.

July 14, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -20-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -20-01-1447-Hijri.

July 14, 2025
Kolonyo Yugaandhees Ah Oo Camaliyad Istish-haadi Ah Lagula Eegtay Duleedka Sabiid.
  • Allposts
  • Warar

Kolonyo Yugaandhees Ah Oo Camaliyad Istish-haadi Ah Lagula Eegtay Duleedka Sabiid.

July 14, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada