Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Rassaas Ka Dhacday Addis-ababa Iyo Maamulka Abiy Axmed Oo Duqayn Ku Dilay Askar Laga Qabtay.
  • Allposts
  • Warar

Rassaas Ka Dhacday Addis-ababa Iyo Maamulka Abiy Axmed Oo Duqayn Ku Dilay Askar Laga Qabtay.

December 10, 2024

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rassaas ka dhacday magaalo madaxda Itoobiya ee Addis-ababa, taasi oo la sheegay inay fureen askar ka goosatay jabhadda Xoraynta Oromia oo ay caasimadda geysay dowladda uu ra’iisul wasaaraha ka yahay Abiy Axmed.

Maleeshiyaadkan oo ka mid ahaa garabyada jabhadda OLA ayaa la sheegay inay heshiis nabadeed la galeen dowladda Itoobiya, waxaana lagu daabulay magaalada Addis-ababa ee caasimadda ah, halkaas oo ay ka gaysteen qas iyo rabshado sida ay kusoo warameen dadka deegaanka.

Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in dhacdadaasi la diiwaan geliyay maalintii Axadda, waxayna gallaafatay nolasha haweeney rayid ah, maleeshiyadan ayaa sidoo kale la wariyay inay tuurayeen bamooyin, taasi oo argagax iyo kala carar ka abuurtay caasimadda Itoobiya.

Dhanka kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqeyn ay ka geysteen mandiqadda Gojjam ee ka tirsan ismaamulka Amhara waxaa lagu dilay askar ka tirsan ciidamada millatariga dowlada, kuwaas  oo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay deegaankaasi oo u dhaxeeyay Fano iyo ciidamada daacadda u ah Abiy Axmed.

Asres Mare, oo ah madaxa qeybta siyaasadda ee Goojam u qaabilsan Faano, ayaa sheegay in askartan ka tirsan dowladda xabashida, la duqeeyay xilli la siinayay cuno iyo qaxwo, halkaas na ay ku dhinteen.

Waxay duqayntan kusoo beegmaysaa xilli dowladda Itoobiya labadii bilood ee la soo dhaafay ay sii xoojisay weerarada diyaaradaha Drones-ka ah ee ay ka gaysanayso deegaano badan oo ka tirsan Ismaamulka Axmaarada, jabhadda Fano waxay sheegtay in maamulka Abiy Axmed xoojiyay duqeymaha dhanka cirka ah, gaad ahaan diyaaradaha Drones-ka, kuwaas oo yimid markii looga adkaaday dagaallada dhanka dhulka ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1446-Hijri.

Related Stories

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.

January 18, 2026
WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.
  • Allposts
  • Warar

WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada