Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Goodigii Trump Ee Reer Gaza Kaddib Magaalooyin Ka Tirsan Maraykanka Oo Gubanaya.
  • Allposts
  • Warar

Goodigii Trump Ee Reer Gaza Kaddib Magaalooyin Ka Tirsan Maraykanka Oo Gubanaya.

January 9, 2025

Shacabka dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa markale wajahaya ciqaabta adduunyada inta aan lagaarin midda aakhiro, malaayiin qof ayaa isaga cararay guryahooda halka kuwa kale ay halaagsameen kadib dabeyllo dab ah oo ku dhuftay mid kamida gobollada wadankaasi.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Dab xooggan oo ku socda xawaare sare oo habeennimadii Arbacada ka kacay agagaarka Los Angeles oo ah magaallada labaad ee ugu weyn dalka Maraykanka, isla markaana ugu dadka badan gobolka California.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay dabkaasi, waxaana laga cabsi qabaa dhimasho kale oo hor leh, sida uu war-fidiyeenka u xaqiijiyey Rober Luna oo ah Taliyaha booliska Los Angeles. Waxaana ku basbeelay 2,000 oo dhisme, halka in ka badan Boqol Kun oo qof lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda.

Sidoo kale isla fiidnimadii Arbacada, dab cusub oo hor leh ayaa ka kacay Hollywood Hills, taas oo dhalisay in lasoo saaro amar dadweynaha lagu faraayo inay gabi ahaanba banneeyaan oo ay ka qaxaan magaallada.

Sida ay wararku tibaaxayaan agagaarka Altadena ee waqooyiga magaallada ayuu dabku ka holcayaa dhul cabbirkiisu gaarayo 4,300 oo Hiktar. Sidoo kale Dab ka kacay Pacific Palisades ayaa gubay ilaa 6,500 Hiktar, waxaana ku shuf-beellay guryo fara badan iyo goobo ganacsi.

In ka badan 300,000 oo qoys ayaa koronto la’aan ku noqotay gobolka, sida uu sheegay website-ka outage.us. Waxaanay saraakiisha dab-damiska maxalliga ah ay qireen in aanay awoodin xakamaynta dabkan oo ah mid xawli ku socda.

“Waxaan sameyneynaa sida ugu fiican ee aan awoodno, laakiin maya, ma haysanno shaqaale dab-demis oo ku filan degmada Los Angeles…” ayuu yiri Anthony Marrone oo ah madaxa dab-demiska ee Los Angeles.

Musiibadan ku habsatay dadka American-ka ah ayaa timid saacado yar kadib markii uu Donald Trump ku hanjabay in marka uu talada lawareego gubi doono shacabka magaalada Qaza haddii ay kooxaha muqaawamadu sii dayn waayaan maxaabiista Yahuudda.

Dabayllo ku socdey sida la sheegay 112 KM saacaddiiba ayaa qayb weyn ka ah is-fidinta dabkan, iyadoo John Biden oo ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah uu muujiyay walaaca waqti dheer oo uu qaadan karo la-tacaalidda dabkan.

Dabkan ayaa kusoo aadaya xilli khasaare baaxad leh uu ka dhashay duufaan wadata dabayllo xooggan, baraf iyo roob dhibicdiisu aad u qabawdahay oo horraantii usbuucan ku dhufatay guud ahaan dalka Maraykanka iyo weliba qaybo ka mida qaaradda Yurub.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Akhriso Faahfaahinta Dagaalladii Ka Dhacay Hiiraan Iyo Galgaduud.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-07-1446-Hijri.

Related Stories

23 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Dayniile.
  • Allposts
  • Warar

23 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Dayniile.

August 27, 2026
Kooxda Gurguurte Oo Shacabka Muqdisho Ku Amartay Inay Xabaalaha Ka Faagtaan Ehelladooda 30 Sano Ka Hor Dhintay.
  • Allposts
  • Warar

Kooxda Gurguurte Oo Shacabka Muqdisho Ku Amartay Inay Xabaalaha Ka Faagtaan Ehelladooda 30 Sano Ka Hor Dhintay.

August 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-03-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-03-1448-Hijri

August 27, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada