Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Masar Oo Ku Celisay In Badda Cas Aan Laga Oggolayn Dal Aan Xuduud La Lahayn.
  • Allposts
  • Warar

Masar Oo Ku Celisay In Badda Cas Aan Laga Oggolayn Dal Aan Xuduud La Lahayn.

January 12, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda daba-dhilifka riddada ee dalka Masar, murtad Badar Cabdul-Caadاi ayaa shaaca ka qaaday in aan la aqbali doonin joogista dal aan xuduud la lahayn Badda Cas.

Sida ay soo tebinayso warbaahinta maxalliga ah ee dalka Masar, Wasiirka ayaa hadlkan ka sheegay shir jaraa’id oo wada-jir ay u qabteen isaga iyo dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Eritriea Cusmaan Saalax.

“Suurto-gal ma aha in la aqbalo joogitaanka waddan kasta oo aan xuduud lahayn Badda Cas, haddii joogitaanku ciidan yahay iyo haddii kaleba.” Ayuu yidhi murtad Cabdul-caadاi.

Wasiirku waxa uu kulankan oo ka dhacay caasimadda dalka Masar ee Qaahira ka sheegay in ammaanka Badda Cas uu yahay arrin muhiim ah, kuna xidhan rabitaanka dalalka xuduudka la leh.

War-murtiyeedkan ay wada-jirka usoo saareen ayaa yimi kadib markii ay yeesheen kulan saddex-geesood ah oo la sheegay in waxyaabaha lagu gorfeeyey ay ka mid ahaayeen, muhiimadda uu leeyahay ammaanka Badda Cas iyo tayaynta hey’adaha riddada Soomaaliya.

Wasiir Badar ayaa dhanka kalena faahfaahiyey sida ay dawladda riddada Masar uga go’an tahay garab istaagga dawladda riddada ee Soomaaliya, isagoo xusay in shirkan saddex-geesoodka ah ay ku lafa-gureen muhimadda ay leedahay doorka Masar ee ka qaadanayso howlgalka cusub ee isbahaysiga saliibiga ah ee AUSSOM.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda riddada Masar, Murtad Abdul-Caadi ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay dhiggiisa Eritriya iyo Soomaaliya oo la sheegay in uu kala hadlay sare u qaadista iskaashiga ee danaha gobolka.

Hadalka wasiirka arriimaha dibadda ee dawladda riddada Masar ayaa loo arkaa in uu si toos ah ugu socdo dawladda kaafiradda ah ee Itoobiya, oo si cad u sheegtay in xoog ama xeelad ay ku qaadan doonto qaybo ka mida Badda Soomaaliya, kadib markii ay heshiis xaaraan ah la saxiixatay maamulka riddada gobollada waqooyi ee la baxay Somaliland.

Kulankan saddex-geesoodka ah ayaa waxaa barbar socday kulan kale oo Wasiirka Gaashaandhigga kooxda Riddada, murtad Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaallada Qaahira isna uu la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Murtad C/majiid Saqr.

Kulannadan ka qabsoomay Qaahira ayaa kusoo aadaya xilli uu madaxa kooxda Villa Soomaaliya Murtad Xasan Gurguurte uu isna shalay ka degay magaallada Addis Ababa isla markaana kulan uu halkaasi kula qaatay Abiy Axmed ugu meel-mariyey heshiiskii Ankara ee xoojinayay qaadashada qaybo ka mida Badda Somaliya iyo waliba ka qayb-qaadashada ciidamada Itoobiya ee gumaysiga cusub ee AUSSOM.

Is-diiddooyinkan aan is-qabanayn ayay si weyn ugu jahawareersan tahay bulshada Soomaaliyeed, waxaana bannaanka timi khiyaannada iyo gabi-dhacleynta Xasan Gurguurte oo haatan u tafa-xaytay boobka iyo xaraashka hantida ummadda Soomaaliyeed.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -12-07-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -12-07-1446 Hijri.

Related Stories

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.

April 22, 2026
Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada