Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Fallaagada M23 Oo La Wareegay Magaallada ugu Weyn Bariga Congo.
  • Allposts
  • Warar

Fallaagada M23 Oo La Wareegay Magaallada ugu Weyn Bariga Congo.

January 27, 2025

Wararka ka imanaya dalka Congo ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa fallaagada M23 ay waaberigii hore ee saaka la wareegeen magaallada muhiimka ah ee Goma, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay fallaagadu soo saartay.

Fallaagada M23 oo gacan-saar la leh Rwanda ayaa Axaddii shalay la wareegtay duleedka magaallada Goma ee ugu weyn bariga dalka Koongo, tallaabadaas oo waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ku tilmaantay argagax ballaaran oo soo food-saaray ilaa labo milyan oo ruux oo ku nool aagaggaasi, isla markaana Kumanaan qof ay durbaba bilaabeen inay guryahooda ay ka cararaan.

Xukuumadda Kaafiradda ah ee Congo, ayaa sabtidii lasoo dhaafay xiriirka u jartay Rwanda, oo ay ku eedaysay inay diidday joojinta taageerrada ay siiso fallaagada M23. Waxaana bayaan kasoo baxay afhayeenka xukuumadda Congo, lagu sheegay in dalku uu galay xaalad dagaal, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo dadka rayidka ah.

Kooxda M23 oo ah fallaago kasoo hor-jeedda dawladda Koongo, kana hawl-gasha bariga dalkaasi ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay guullo la taaban karo ka gaartay xuduudka Congo ay la wadaagto Rwanda, ka dib markii ay fashilmeen isku-dayo la rabay in lagu xasiliyo deggaannadaasi.

Mucaaradka M23 ayaa habeennimadii Axadda ugu baaqday ciidamada Kongo inay hubkooda kusoo dhiibaan 48 saac gudahood, subaxda horena iska soo xaadiriyaan garoonka maxalliga ah ee kubbadda cagta, iyagoo bulshada reer Goma-na ugu baaqay inay is-dejiyaan.

Rabshadahan oo muddooyinkan dambe isa soo taraayay ayaa sii kordhay usbuucii lasoo dhaafay kadib markii la dilay 13 askari oo ka tirsan ciidanka hawl-galka waxa loogu yeeray nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Shalay ayay ahayd markii bayaan ay soo saareen ciidanka Urugwaay oo qayb ka ah hawl-galka QM ee deggaannadaasi ay shaaciyeen in qaar ka mid ah askarta Congo ay dhigeen hubkoodii.

Sawirro la socday war-murtiyeedka ay soo saareen ciidanka Uruguaw, ayaa lagu arkayaa rag hubeysan oo iska diiwaan-gelinaya hoggaannada dhaqanka kuna labisan dareyska ciidamada iyo kuwa rayidka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Congo ayaa u sheegay Qaramada Midoobay in Rwanda ay waddo daandaansi dagaal iyo gardarro hor leh. Halka safiirka Rwanda u fadhiya Q.M, oo aan xaqiijin isla markaana aan beenin sheegashada Congo, uu isna eedeyn u jeediyay dowladda Congo, isagoo sheegay in dhibaatada laga hor-tagi karay haddii ay muujin lahayd go’aan dhab ah oo nabadeed.

Dalka Congo oo hodan ku ah khayraad badan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaalladii ugu xumaa uguna dhiig-daadinta badnaa taariikhdan casriga ah, kuwaas oo la sheegay inay qaarkood ku dhinteen dad ka bdan 5 Milyan oo ruux oo u geeriyooday sababo ay ka mid yihiin Macaluul, Cudurro iyo dhibaatooyin kale oo la xiriira colaadahaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -27-07-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -07-11-1447-Hijri

April 23, 2026
Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada