Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Fallaagada M23 Oo La Wareegay Magaallada ugu Weyn Bariga Congo.
  • Allposts
  • Warar

Fallaagada M23 Oo La Wareegay Magaallada ugu Weyn Bariga Congo.

January 27, 2025

Wararka ka imanaya dalka Congo ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa fallaagada M23 ay waaberigii hore ee saaka la wareegeen magaallada muhiimka ah ee Goma, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay fallaagadu soo saartay.

Fallaagada M23 oo gacan-saar la leh Rwanda ayaa Axaddii shalay la wareegtay duleedka magaallada Goma ee ugu weyn bariga dalka Koongo, tallaabadaas oo waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ku tilmaantay argagax ballaaran oo soo food-saaray ilaa labo milyan oo ruux oo ku nool aagaggaasi, isla markaana Kumanaan qof ay durbaba bilaabeen inay guryahooda ay ka cararaan.

Xukuumadda Kaafiradda ah ee Congo, ayaa sabtidii lasoo dhaafay xiriirka u jartay Rwanda, oo ay ku eedaysay inay diidday joojinta taageerrada ay siiso fallaagada M23. Waxaana bayaan kasoo baxay afhayeenka xukuumadda Congo, lagu sheegay in dalku uu galay xaalad dagaal, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo dadka rayidka ah.

Kooxda M23 oo ah fallaago kasoo hor-jeedda dawladda Koongo, kana hawl-gasha bariga dalkaasi ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay guullo la taaban karo ka gaartay xuduudka Congo ay la wadaagto Rwanda, ka dib markii ay fashilmeen isku-dayo la rabay in lagu xasiliyo deggaannadaasi.

Mucaaradka M23 ayaa habeennimadii Axadda ugu baaqday ciidamada Kongo inay hubkooda kusoo dhiibaan 48 saac gudahood, subaxda horena iska soo xaadiriyaan garoonka maxalliga ah ee kubbadda cagta, iyagoo bulshada reer Goma-na ugu baaqay inay is-dejiyaan.

Rabshadahan oo muddooyinkan dambe isa soo taraayay ayaa sii kordhay usbuucii lasoo dhaafay kadib markii la dilay 13 askari oo ka tirsan ciidanka hawl-galka waxa loogu yeeray nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.

Shalay ayay ahayd markii bayaan ay soo saareen ciidanka Urugwaay oo qayb ka ah hawl-galka QM ee deggaannadaasi ay shaaciyeen in qaar ka mid ah askarta Congo ay dhigeen hubkoodii.

Sawirro la socday war-murtiyeedka ay soo saareen ciidanka Uruguaw, ayaa lagu arkayaa rag hubeysan oo iska diiwaan-gelinaya hoggaannada dhaqanka kuna labisan dareyska ciidamada iyo kuwa rayidka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Congo ayaa u sheegay Qaramada Midoobay in Rwanda ay waddo daandaansi dagaal iyo gardarro hor leh. Halka safiirka Rwanda u fadhiya Q.M, oo aan xaqiijin isla markaana aan beenin sheegashada Congo, uu isna eedeyn u jeediyay dowladda Congo, isagoo sheegay in dhibaatada laga hor-tagi karay haddii ay muujin lahayd go’aan dhab ah oo nabadeed.

Dalka Congo oo hodan ku ah khayraad badan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaalladii ugu xumaa uguna dhiig-daadinta badnaa taariikhdan casriga ah, kuwaas oo la sheegay inay qaarkood ku dhinteen dad ka bdan 5 Milyan oo ruux oo u geeriyooday sababo ay ka mid yihiin Macaluul, Cudurro iyo dhibaatooyin kale oo la xiriira colaadahaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -27-07-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -27-07-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-06-1447-Hijri.

December 1, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -10-06-1447 Hijri.

December 1, 2025
Hubka Aan Kugu Rido Haddu Qarxi Waayo iisoo Celi. Waa Sheeko Yaab Leh!
  • Allposts
  • Warar

Hubka Aan Kugu Rido Haddu Qarxi Waayo iisoo Celi. Waa Sheeko Yaab Leh!

December 1, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)

November 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada