Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maamulka Trump Oo Albaabada Isugu Dhufanaya Taliska Maraykanka Ee AFRICOM.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Trump Oo Albaabada Isugu Dhufanaya Taliska Maraykanka Ee AFRICOM.

March 5, 2025

Maamulka Trump ayaa ka fiirsanaya inuu qaado tallaabo fulineed oo lagu burburinayo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyadoo lagu wareejinayo Taliska Maraykanka ee ka hawl-gala qaaradda Yurub ee loo yaqaan EUCOM, sida laga soo xigtay ilo badan oo la socda qorshayaashan.

CNBC oo ah warbaahin caalamiya oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in maamulka cusub ee dhawaan dib loo soo dirtay ee Donald Trump uu wado qorsheyaal uu doonayo inuu albaabada isugu dhufto taliska AFRICOM.

Warbaahintan oo soo xiganaysa ilo xogogaal ah oo la socda qorshahan ayaa sheegtay in hindisahani uu yahay mid la tix-gelinayo, isla markaana saraakiisha difaaca ee Maraykanku ay taageersan yihiin isbedelkan cusub ee uu wado Donald Trump.

Sidoo kale labo sarkaal oo Mareykan ah oo la sheegay inay xog-ogaal u yihiin doodda socota ayaa shaaca ka qaaday in qorshahani yahay mid meel-mar ah, waxaanay ka dhawaajiyeen in qaar ka mid ah saraakiisha difaaca Mareykanku ay durbaba taageereen tallaabadan.

Qorshahan cusub ee ka dhanka ah taliska Maraykanka ee AFRICOM, ayay CNBC sheegtay inuu daba socdo dibu-habayn ballaaran oo Donald Trump uu ku sameeyey Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka oo dhawaan uu ka cayriyey saraakiil sare oo shaqaalle ka ahaa, halka Kumanaan kalena u qorshaysan yihiin inuu kala diro.

Warbaahinta CNBC, waxa kale oo ay sheegtay in talooyinkii u dambeeyey ee lasoo jeediyey ay ku jirtay in AFRICOM laga dhigo talis-hoosaad ka tirsan Taliska Maraykanka ee Yurub, taas oo gacan ka geysan doonta ayaa la yiri fududaynta qaab-dhismeedka taliskaasi.

Geesta kalena , Xoghayaha Difaaca Mareykanka ninka lagu magacaabo Pete Hegseth, ayaa dhawaan booqday xarunta laga maamulo AFRICOM oo ku taalla Jarmalka, waxaanu halkaas ka sheegay in qaab-dhismeedka taliska AFRICOM wax badan laga bedeli doono, sidoo kalena la dhimi doono tirada ciidamada Maraykanka ee jooga qaaradda Yurub.

Warbixinta CNBC aya lagu sheegay in tallaabadani ay maamulka Trump u fududayn karto in ciidamadiisa uu ka saaro deggaanno ka tirsan dalalka Afrika, sida Soomaaliya oo kale oo warbixintu xustay in usbuucyadan u dambeeyey ay ka socdeen weerarro is-daba joog ah oo ay fulinayaan mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Tartan Aqooneedka Andalus (Xalqada 4/5-aad).
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-09-1446 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada