Howlgal khaas ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa sababay in dagaalyahannadii naftood hurayaasha ahaa ee shalay fuliyay weerarkii Hotelka Al Qaahira ay dib uga laabteen magaalada iyagoo nabad qaba islamarkaana soo furtay saanado hub ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa shabakadda SOMALIMEMO uxaqiijiyay in ciidamo katirsan Al Shabaab ay gudaha ugaleen magaalada Beledweyne kadibna ay ladagaallameen maleeshiyaadka dowladda ee ku hareeraysnaa dhismaha hoteelkii ay camaliyaddu ka socotay, ciidamada jihaadiga ah ee weerarka qaaday ayay usuurtagashay in ay hareeraynta ka qaadaan naftood hurayaashii ka dagaallamayay hotelka Al Qaahira kadibna ay labada ciidan kasoo baxeen magaalada iyagoo guulaystay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen saanado hub ah oo ku xaraysnaa mid kamida qolalka Hotelka hubkaas oo loogu talagalay maleeshiyaad ay diyaarinayeen saraakiishii lagu laayay weerarkii shalay.
Ciidamada Al Shabaab ee howlgalka fuliyay ayaa gudaha xarunta laweeraray kusoo arkay meydadka saraakiishii lalaayay oo bilqan, tallaabadan ayaa muujinaysa dhiiranaanta iyo hal adeyga dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.
Howlgalkii Beledweyne wuxuu qaatay wax ka badan 12 saacadood oo xiriir ah waxaana soo afjaridda weerarkan ku guul-darraystay dhammaan maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada sida kuwa Xabashida Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah isbahaysiga AUSSOM.
Xigasho SomaliMemo