Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Bakool, waxay howlgal qarax ah maanta qarax la eegteen ciidamo saliibiyiin Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Airport-ka degmada Waajid, kuwaasi oo kasoo baxay xero ciidan oo ay kaga suganyihiin isla degmada Waajid.
Weerarkan qarax ah waxay ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligiis ku dileen laba askari oo Itoobiyaan ah oo isugu jira sarkaal miino baara ah iyo askari istaaf u ahaa, waana mid ka mid ah howlgallada gaarka ah ee lagu beegsanayo saliibiyiinta xabashida Itoobiya.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta weerareen maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ka waday agagaarka xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Makuudo ee duleedka magaalada Baydhaba, ugu yaraan 4 askari oo murtadiin ah ayaa weerarka lagu dilay, halka 7 kalena lagu dhaawacay.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saaxadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee xero koowaad ee degmada Diinsoor ee wilaayada Baay, waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu weerareen saldhiga murtadiinta ee Makuudo ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba.