Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii saaka ciidamada mujaahidiintu kula wareegeen gacan ku haynta degmada Towfiiq ee wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, halkaas oo khasaare laxaad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyada Riddada.
Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkan ayaa gaaray 15 askari oo murtadiin ah, halka dhaawacana uu gaaray 6 kale oo murtadiin ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu goordhow weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigyada maleeshiyada Riddada ay ku leeyihiin deeegaanka “Xaaji-Cali” ee dhaca duleedka degmada Cadale, waxaana jira khasaaro gaaray murtadiinta.