Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Inka Badan 120 Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Duqaymo Ka Dhacay Bariga Gojjam.
  • Allposts
  • Warar

Inka Badan 120 Itoobiyaan Ah Oo Lagu Dilay Duqaymo Ka Dhacay Bariga Gojjam.

April 20, 2025

Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya duqaymo aad u xooggan oo maalmo ka hor ka dhacay bariga mandiqadda Gojjam ee ismaamulka Axmaarada ee dalka Itoobiya, aaggaas oo ka mid ah goobaha ay isku hayaan ciidamada uu ra’iisul wasaaraha u yahay Abiy Axmed iyo maleeshiyada Fano.

Duqaymahan oo dhacay khamiistii ina dhaaftay ayaa beegsaday goobo ay ku badanyihiin dadka rayidka, ilo wareedyo dhanka deegaanka ayaa soo wariyay in duqaymuhu ahaayeen kuwa ay gaysteen diyaaradaha nooca aan duuliyaha lahayn ee xukuumadda Addis-ababa.

Weeraradan oo lagu dilay inka badan 120 qof oo Axmaaro ah ayay ciidamada Itoobiya si gaar ah uga fuliyeen deegaanka Gedebe ee ka tirsan degmo Enarj Enawga ee bariga mandiqadda Gojjam.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka beegsaday ay ka mid ahaayeen rayid ku hawlanaa nolol maalmeedkooda, gaar ahaanna ku sugnaa suuqyada dadweyne, waxay sidoo kale Drone-tu beegsatay dad dhisayay guri dhoobo ka samaysan, sida laga soo xigray ilo wareedyo maxalli ah.

Ilo wareedyadu waxay soo sheegeen in weerarada ay gaysteen ciidamada uu hoggaanka u hayo Abiy Axmed uu ka koobnaa saddex weerar oo drone loo adeegsaday, kuwaas oo weeraray goobo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Gedebe.

Marshet Tsehayu, waa afhayeenka jabhadda mucaaradka hubeysan ee Fano ee ku sugan mandiqadda Gojjam, wuxuu sheegay in weerarka uu ahaa midkii ugu xumaa ee drone loo adeegsado, wuxuuna u sabababeeyay khasaaraha weyn ee dhimasho iyo dhaawaca leh ee ka dhashay weerarada.

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in dadka lagu dilay duqaymahaasi oo kor u dhaafaya 120 xubnood oo Axmaaro ay ku jiraan dumar iyo waayeello.

Warbaahinta maxalliga ah waxay sidoo kale sheegtay in weerarkaasi uu ka horreeyay mid kale oo lagu dilay 20 qof oo rayid ah, weerarkan ayaana si gaar ah kaga dhacay deegaan kale oo Gojjam ka tirsan, ciidanka xabashida ee dowladda ayaa la sheegay inay si bareer ah u beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Tirada guud dadka rayidka ee ku dhintay labada weerar ee dhacay maalmaha is xig-xigay ayaa la sheegay inay gaarayso 150 xubnood, halka tiro kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -23-10-1446-Hijri.
Next: Trump Oo Soo Saaraya Wareegto Ay Lacago Malaayiin Ah Ku Waayi Doonaan Dalal Ay Somalia Ka Mid Tahay.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.

June 12, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.

June 12, 2026
Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.

June 12, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada