Wararka ka imanaya dhulka ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya ee Soomaali-galbeed ayaa sheegaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo u geeriyootay jir-dil loogu geystay gudaha xabsi ku yaalla magaallada Jig-jiga.
Sida ay tibaaxayaan warar soo baxay saacadihii lasoo dhaafay, wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay 16 sano jir ayaa u dhintay jir-dil loo geystay intii uu ku jiray xabsiga Haabaana ee magaallada Jigjiga.
Maleeshiyaadka xabsiga ayaa la sheegayaa inay si xun u garaaceen wiilka isla markaana uu sanka iyo afkaba dhiig ka keenay sida ilo-wareedyo amni ay xaqiijiyeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in wiilka oo xaaladdiisu aad u culus tahay lagu wareejiyey qoyskiisa, kadibna ay naftu ka baxday intii lagu sii waday cisbitaalka magaallada.
Dhacdadan ayaa imanaysa maalmo uun kadib markii la xaqiijiyey wiil kale oo dhalinyaro ah oo isna u dhintay jir-dil loo geystay intii uu ku jiray gacanta booliska ee xabsiga Haabaana.
C/Kariim Cali oo ah aabbaha dhalay wiilkan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in wiilkiisu u dhintay jir-dil fool xun oo loo geystay isla markaana oogada jirkiisa ay ka heleen nabarrada la gaarsiiyey.
Tacaddiyada ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliyeed ee ku hoos-jira gumaysiga xabashida Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe si weyn ugu soo badanaya deggaannadaasi.
Maamulka riddada ah ee Mustafe Cagjar ayaa lagu soo warramayaa in uu samaystay xabsiyo qarsoodiya oo lagu jir-dilo laguna hayo dadka loo soo xiro sida qarsoodiga ah.