Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir ayaa qarax xooggan la beegsaday bar-controol oo maleeshiyaaadka murtadiinta ay ku leeyihiin xaafada Siisii ee dhacda degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa si wayn looga maqlay xaafadaha iyo waaxyaha ay ka kooban tahay degmada Dayniile ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loogu talagalay, waxaana inta la hubiyay ku dhintay ugu yaraan hal askari oo murtad ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo dhaawiciisu culus yahay.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee duleedka deegaanka Ambareeso ee hoostaga degmada Baraawe, xerada weerarka lagu ekeeyay ayaa kutaal dhanka waddada aadda deegaanka Buur_colow oo isagana ka mid ah degaannada hoostaga degmada Baraawe.