Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Shirkii Uganda Oo Natiijo La’aan Ku Idlaaday Iyo Gurguurte Oo Awaamiir La Dul-dhigay.
  • Allposts
  • Warar

Shirkii Uganda Oo Natiijo La’aan Ku Idlaaday Iyo Gurguurte Oo Awaamiir La Dul-dhigay.

April 26, 2025

Shir looga hadlayay dhaqaalo la’aanta soo wajahday hawl-galka AUSSOM oo muddo labo cisho ah ka socday dalka Uganda ayaa jimcihii shalay lasoo gunaanaday iyadoo wax natiijo ah oo la taaban karo oo kasoo baxay aanu jirin.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen dalalka ay ciidamadoodu duullaanka saliibiga ah ku joogaan dalka Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyey sidii looga bixi lahaa caqabadaha ku hor gudban hawl-galka shaatiga cusub loo soo xiray ee loola baxay AUSSOM.

Khudbadihii ugu muhiimsanaa ee goobtaasi laga jeediyey ayaa lagu iftiimiyey xaaladda qalafsan ee ay wajahayaan calooshood-u-shaqaystayaashii Afrikaanta ee lagu soo daad-gureeyey Soomaaliya iyo werwerka dhaqaale ee soo food-saaray iyo weliba natiijo la’aanta ay ka joogaan dhaqaallihii faraha badnaa ee horey loogu baxshay.

Xoghayaha Fulinta IGAD ayaa halkaasi ka sheegay in kulankani uu kusoo beegmay xilli ammaanka gobolka uu wajahayo imtixaankiisii ugu adkaa muddo tobanaan sano ah, isla markaana ay aad uga welwelsan yihiin jabka ciidamadooda kasoo gaaaray Soomaaliya.

“Weerarrada Al-Shabaab ay fuliyeen bilahan u horreeyey sannnadkan 2025, waxay wiiqeen wixii aan si wada-jir ah u dhisnay…” ayuu yiri xoghayaha fulinta IGAD, isagoo intaa sii raaciyey in hawl-galladani ay imanayaan xilli ay gabaabsi tahay sahayda ciidamada midowga Afrika.

Talooyin dhowr ah oo shirkaasi laga soo jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa in tirada ciidamada AUSSOM lagu kordhiyo 8000 oo askari iyo in loo hawl-galo sidii dhaqaale loogu ururin lahaa howlgalka cusub loona xoojin lahaa tababaridda maleeshiyaadka Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee kooxda ridada C/Raxmaan Caynte oo ka mid ahaa weftigii shirkan ka qayb-galay ayaa rajo-beel ka muujiyey joogista ciidamada Afrikaanta oo uu sheegay in aanay qaban karin wixii ay qaban waayeen 18-kii sano ee ay dalka joogeen.

Geesta kalena Caynte waxa uu quus ku tilmaamay wax-qabadka maleeshiyaadka riddada Somaliya maadaama ayuu yiri muddadaasi 18-ka sano ah la tababaray maleeshiyaad kor u dhaafaya 100, 000 (Boqol Kun) oo askari, laguna baxshay balaayiin Dollar, balse wixii oo dhami ay kusoo idlaadeen hal bacaad lagu lisay.

Shirkan oo u muuqda mid dhicisoobay ayaa lagu soo warramayaa in madaxdii Afrikaanta ee isugu timid ay canaan kala dul-dhaceen Xasan Gurguurte, madaxa kooxda riddada Soomaaliya. Waxaana si aan gabasho laheyn loogu sheegay in 2 bilood gudahood uu kula heshiiyo siyaasiyiinta mucaaradsan.

Baadariga hor-joogaha ka ah dalka Uganda Yuweri Musafani ayaa loo doortay in uu dhexdhexaadiyo khilaafaadka ka dhex jira kooxda riddada Somaaliya isla markaana uu kormeere ka noqdo isku xirka dalalka ay ciidamadoodu duullaanka saliibiga ah ku joogaan dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay isla markaana sheegtay in aysan taageeri doonin howlgalka AUSSOM, iyadoo tilmaantay inay quus ka joogto sidii ay dalka Soomaaliya uga hir-gelin lahayd ku dhaqanka qawaaniinta gaallada.

William Pope oo ah safiirka Mareykanka ee Uganda ayaa sheegay in Mareykanku aanu diyaar u aheyn in uu taageero howl-galka AUSSOM, maadaama Soomaaliya aanay haatan joogin marxalad keeni karta ayuu yiri in dalka laga hir-geliyo qaraarka Golaha Ammaanka ee lagu dhisay howl-galka AUSSOM.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-10-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-10-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -19-05-1448-Hijri

October 29, 2026
Daawo Muuqaalka Turkiga Oo Duqeyn Ku Dilay Ayeeyo 70 Jir Ah.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal
  • Warar

Daawo Muuqaalka Turkiga Oo Duqeyn Ku Dilay Ayeeyo 70 Jir Ah.

October 29, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-05-1448 Hijri.

October 29, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada