Xilli Itoobiya wajahayso xaalad dagaal oo aad u daran ayay dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka diginin u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan gudaha waddankaasi.
Safaaradda xukuumadda Washington ee Addis-ababa ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda talooyin amni ku siisay muwaadiniinteeda ku sugan magaalada caasimadda ah iyo magaalooyinka kale xilli dalkaan uu wajahayo xaalad colaadeed oo aad u daran.
Waxay dadka Ameerinkaanka ah usoo jeedisay inay xaaladda Itoobiya tahay mid halis ah, amnigana uu faraha ka baxay, xilli walba ay dhibaatooyin dhici karaan, sidaas darteena ay ka fogaadaan goobaha isku imaatinnada ah ee ay dadku ku badanyihiin.
Warka kasoo baxay dowladda saliibiyadda Maraykanka ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii dambe ay kordheen dilalka, afduubyada iyo dhacdooyinka kale ee amniga xumada ah ee laga soo tabinayo ismaamullada kala duwan ee dalka Itoobiya, gaar ahaan ismaamullada Amhara, Oromia iyo Tigray.
Marka laga soo tago dhacdooyinka isdilka ah ee u dhaxeeya nasaarada xabashida, waxaa dhanka kale si isdaba-joog ah u dhacayay afduubyo lagu doonayo lacago madax furasho ah, kuwaas oo laga soo diiwaan-geliyay gobollada Amxaarada iyo Tigray.