Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Banaadir ayaa saaka weerar culus oo madaafiic ah ku beegsaday xerada Xalane oo ah taliska ugu wayn ee ay saliibiyiinta duullaanka ah ku leeyihiin Soomaaliya.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in madaafiicda ciidamada mujaahidiinta ay ku hoobteen gudaha xeradaasi, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada madaafiicda ee ay ciidamada mujaahidiintu ku beegsanayaan xarumaha muhiimka ah ee murradiinta iyo saliibiyiinta ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidanka mujaahidiintu weerar madaafiic ah ku qaadeen xarunta sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya NISA ee (Habar-khadiijo) ee kutaalla magaalada Muqdisho, weerarkaas ayaana gaystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed.