Dawladda Saliibiyada Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku hawlan tahay qorshe dibu-gurasho ah oo gebi ahaanba ay meesha kaga saarayso taakuladii dhaqaalle iyo millateri ee ay siin jirtay maamulka riddada ah ee Villa Somalia.
Olivier Duzon oo ah qoraa u dhashay Faransiiska kana faallooda isbedellada dunida ayaa sheegay in Washington ay haatan u muuqato mid dib uga guranaysa xiriirkii ay la lahayd kooxda riddada Somaaliya kuna bedelanaysa xiriir toos ah oo ay la yeelato maamulka daba-dhilifka ah ee Somaliland.
Qoraagu waxuu carabaabay in Washington ay u aragto Somaliland beddel ay ku kalsoonaan karto oo leh xasillooni siyaasadeed iyo nidaam dimoqraadi ah oo shaqeynaya marka la barbardhigo xasillooni-darrada amni iyo siyaasadeed ee hareeyey kooxda Villa Somalia.
Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in magaallada Berbera laga yaabo inay noqoto saldhig istaraatiji ah oo Mareykanku uga faa’iideysan karo hawlgalkiisa millatari ee uu ka wado bariga Afrika ilaa inta laga gaarayo gobolka Indo-Pacific oo isku xira America, Aasiya iyo Afrika.
Bishan, Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Christopher Landau, wuxuu si rasmi ah u sheegay in siyaasadda Mareykanka ee Somaliland ay dib u eegis ku socoto, taasoo muujinaysa in laga leexan karo aragtidii hore, sida uu sheegay qoraagu.
Qormadan oo lagu soo daabacay maraagta Le Diplomate, ayaa ugu dambayn qoraagu xusay in Washington ay dooneyso inay dib u saxdo hab-dhaqankeeda gobolka, iyadoo ilaalinaysha danaheeda istaraatijiyadeed iyo millatari.