Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Galgaduud ee dhacda bartamaha Soomaaliya waxay weerar culus oo qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanka “Baraag Sheekh Cabdullaahi” ee dhacda duleedka degmada Ceeldheer.
Weerarkaasi ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la hubiyay ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa maleeshiyada Riddada ee weerarka la kulmay, waxaa sidoo kale weerarkan qorsheysan ku dhaawacmay mid kale.
Weerarkan ayaa qayb ka ah howlgallada ciidamada mujaahidiintu ka wadaan wilaayaadka dhaca bartamaha Somalia ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka murtadiinta ee duullaanka ku ah ku dhaqanka shareecada islaamka.