Indhaha caalamka ayaa kusii jeeda deegaannada xoogga loogu deegaameeyay dadka sahaayinada ah ee kuyaal magaalada Qudus ee dhulka Falastiin, halkaas oo ay ka billaabatay dabaylo dab ah oo si fudud ku faafaya.
Dabka oo ah mid saf ballaaran ku socda ayaa ka billowday meel u dhow tuulada Waxat Al-salaam ee buuraha magaalada Qudus ee maamulka Yahuuddu xoogga ku haysto, sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay sida fudud ee uu dabku u faafayo.
Maamulka gumeystaha ayaa kooxihiisa dab damiska ku daadgureeyay aagga ay kusii socdaan mowjadahan dabka ee ay hurinayso dabeysha xooggan, waxayna kooxahaasi noqdeen kuwa ku guuldarraystay inay hor istaagaan dabkan oo ah mid si xowli ah ku socda dhul ballaarana sii jaraya.
Wargayska Yadiicoot Axranood ee Yahuuddu leedahay ayaa baahiyay in maamulka gumeystaha uu kaalmo deg deg ah weydiisatay dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Giriigga, Talyaaniga, Qubrus, Karawaatiya iyo Bulgaria..
Waxaa wax aad loola yaabay noqday in maamulka maqaar-saarka u ah Yahuudda ee Maxamuud Cabaas uu ku dhawaaqay in uu ka jawaabayo caawimaadda uu dowladaha kale waysdiistay maamulka Yahuudda, balse maamulka Netanyahu ayaa ka aamusay gurmadka uu sheegay in uu diyaar la’yahay maamulka uu hoggaamiyo Abuu Maazin.
Yahuudda oo jiha-wareersan dabkan ayaa sheegtay in dabka uu yahay mid ay ka dambeeyeen dadka falastiiniyiinta ah, wasiirka xagjirka ah ee maamulka sahaayinada ugu magacaaban ammaanka ninka lagu magacaabo Itmar Bin Ghafiir ayaa sheegay in uu la xisaabtami doono dadka ka dambeeyay in dabka kaco oo uu ula jeedo Falastiiniyiinta.
Waxaa baraha bulshadu ku wada xiriirto aad u qabsaday sawirro laga soo qaaday qoysas badan oo Sahaayino ah, kuwaas oo ka barakacaya deegaannada uu ku dhowyahay dabka ee horay sida qasabka ah loogu deegaameeyay.
Dadka ka warceliyay waxaa ka mid ah Sheekh kasoo jeeda magaalada sugnaanta sugnaanta ee Gaza, kaas oo bartiisa soo dhigay Yahuuddii xoogga lagu dajiyay magaalada Qudus oo barakac ah, wuxuuna yiri” Barakaca Israa’iil, Allahayow u siyaadi.
Kumannaan muslimiin ah ayaa Allaah uga mahaceliyay in uu maanta soo gaarsiiyay inay arkaan Sahaayinadii gubtay Gaza, dishay caruurta iyo haweenka, burburisay guryaha dadka rayidka ah oo maanta iyaga ah barakac jidadka taagan, gaalada caalamkana kaalmo waydiisanaya.
Maamulka Yahuudda ayaa ku dhawaaqay in uu wajahayo xaaladdii ugu sarreysay, waxay sheegeen inay howlgaliyeen 19 kooxood oo dab-damis ah iyo 13 diyaaradood, kuwaas oo loo diray aaggaga uu dabku ku fidayo, balse aysan wax natiijo ah keenin.
Ciidanka dabdamiska Yahuudda ayaa la arkayay iyaga oo qoysas badan oo Sahaayino ah ka daabulaya goobaha uu dabku ku dhow yahay, waxaa sidoo kale dabka socda uu gubay gaadiid badan oo ku sugnaa jidka isku xira Qudus iyo Tal’abiib oo Yahuuddu xoogga ku haysato.